Wasiir Fiqi "Ddagaalkii ka dhacay Mudug waxaan ku dilnay 20-ka tirsan Al-Shabaab ".

0
Monday January 25, 2021 - 21:55:04 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi "Ddagaalkii ka dhacay Mudug waxaan ku dilnay 20-ka tirsan Al-Shabaab ".

    Xaaladda deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara oo ay dagaallo ka dheceen ayaa degen, sida ay soo sheegayaan wararka aan ka helayo deegaanadaasi. Dagaalkan ayaa dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah, iyo mal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara oo ay dagaallo ka dheceen ayaa degen, sida ay soo sheegayaan wararka aan ka helayo deegaanadaasi. Dagaalkan ayaa dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah, iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Warar laga helayo goobaha caafimaadka iyo dad ku sugan deegaano u dhow goobaha shaley lagu dagaalamey ayaa waxa ay sheegeen in khasaare nafeed uu ka dhashey dagaalka. Wararka aayaa sidoo kale sheegaya in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen dagaalkaasi, dhaawacuna uu intaas ka badan yahay. Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab, isagoona sheegay in ku dhawaad 50 dalaame ay ku dhaawaceen dagaalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip