Dowladda Soomaaliya oo Guul Ka Sheegatay Dagaalkii Beledxaawo

0
Monday January 25, 2021 - 21:51:15 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo Guul Ka Sheegatay Dagaalkii Beledxaawo

    Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal xalay illaa maanta ciidamada iyo jabhad fallaago ah ku dgex maray ku dhex maray Magaalada Beledxaawo ee Gobalka Gedo. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal xalay illaa maanta ciidamada iyo jabhad fallaago ah ku dgex maray ku dhex maray Magaalada Beledxaawo ee Gobalka Gedo. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir jiraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamada dowladdu ay iska caabbiyeen kooxa ay Kenya ka soo abaabushay dalkeeda. Dubbe ayaa sheegay in ay dagaalkaasi ku soo qabteen maxaabiis tiradoodu ku dhowdahay 100 dagaalyahan oo jabhaddu soo dagaal gelisay. "Waan jeclaa in aan halkan ku soo bandhigno jabka gaaray iyo maxaabiista la qabtay oo ku dhow 100, balse inaan soo bandhigno waxaa noo diidaya xeerarka caalamiga ah ee dhanka maxaabiista" ayuu yiri wasiirka. Waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo u diyaarsanaa difaaca dhulka Soomaaliyeed ay u jilib dhigeen weerarkaas, islamarkaana ay magaalada ka sifeeyeen, iyadoo ay taageereen shacabka gobolka Gedo oo dawladnimadooda ilaashanaya. Qasaaraha soo gaaray ciidanka dawladda ayuu ku soo koobay inay jiraan dhaawacyo kooban oo soo gaaray, balse ma sheegin wax dhimasho ah. "Ugu dambeyn fallaagadii iyo ciidamada shisheeye ee la socday waxaan ugu bishaareynayaa shacabka Soomaaliyeed in laga adkaaday," ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadallkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili uu waayihii dambe Soomaaliya iyo Kenya soo kala dhex galay khilaaf diblumaasiyadeed oo meel sare gaaray oo aan ilaa iyo haatan xal buuxa laga gaarin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip