Carruur ku dhimatay Madfac ku soo dhacay Gurigooda oo ku yaala Beled-Xaawo.

0
Monday January 25, 2021 - 21:47:48 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carruur ku dhimatay Madfac ku soo dhacay Gurigooda oo ku yaala Beled-Xaawo.

    Dagaal ayaa weli wuxuu ka socda degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo la sheegay in xalay saqdii dehxe ay weerar ku qaadeen Ciidamada jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Maamulkaas Cabdi Rashiid Janan. Dagaalka oo mar kale saakay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal ayaa weli wuxuu ka socda degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo la sheegay in xalay saqdii dehxe ay weerar ku qaadeen Ciidamada jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Maamulkaas Cabdi Rashiid Janan. Dagaalka oo mar kale saakay bilaawday ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, waxaana go'an isgaarsiinta degmada Beled-xaawo, iyada oo dadka badi saakay ay bilaabeen inay barakacaan. Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Beledxaawo ayaa sheegay in tiro hoobiyeyaal ah oo laga soo riday dhinaca Magaalada Mandheera ay ku soo dhaceen Beledxaawo. Wararka la helay ayaa waxay sheegayaan in Hoobiye ku dhacay Guri ku yaal degmada Beled-xawo ay ku dhinteen 5 Carruur ah oo uu dhalay aabe lagu magacaabo Cabdiwali Turmaag Maxamed, kaas oo uu ka badbaaday. Dhanka kale Xaalada degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa kacsan, waxaana dagaalka guulo ka kala sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip