Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Beled Xaawo iyo ciidamada dowladda oo…

0
Monday January 25, 2021 - 21:43:33 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Beled Xaawo iyo ciidamada dowladda oo…

    Waxaa soo dhamaaday dagaal in ka badan 10 saacadood ka socday magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee dhacda xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo dhamaaday dagaal in ka badan 10 saacadood ka socday magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee dhacda xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, ayaa bilowday kadib marki ay Beled Xaawo soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo kasoo ruuqaansaday gudaha Kenya. Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay iney ka amar qaadanayeen ciidamada soo weeraray Beled Xaawo, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyootay 20 qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalamay iyo dadka deegaanka. Qaar ka mid ah madaafiicdii ay adeegsanayeen ciidamadii dagaallamay waxaa sababeen dhimashada shan caruur ah oo wada dhashay iyo dhaawaca hooyadood, iyadoo qoyskaas uu ka badbaaday aabaha oo xiligaas ka maqnaa guriga. Sidoo kale dhaawacyada ayaa la sheegay iney ka badan yahiin 30, waxeyna ciidamada Dowladda sheegteen iney qabsadeen gawari dagaal iyo maxaabiis ciidan oo ay tiro ahaan ku sheegeen 100, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda. Ciidamada dowladda ayaa haatan si buuxda gacanta uga haya magaalada Beled Xaawo, waxayna ka adkaadeen oo ay iska caabiyeen ciidamadii wasiir Janan, haatanna waxaa laga soo sheegayaa iney xaaladda dagan tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip