Maxkamadda CQS oo qaaday Dacwadloo haystola horkeenay rag loo heysto Shabaabnimo.

0
Monday January 25, 2021 - 21:42:16 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda CQS oo qaaday Dacwadloo haystola horkeenay rag loo heysto Shabaabnimo.

    Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la horkeenay rag loo heystay ka mid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab. Ragga oo gaarayay 5 Xubnood ayaa mas'uuliyiinta Maxkamadda waxay sheegeen in laba k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la horkeenay rag loo heystay ka mid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab. Ragga oo gaarayay 5 Xubnood ayaa mas'uuliyiinta Maxkamadda waxay sheegeen in laba ka mid ah qirteen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halka saddexda kale ay beeniyeen. Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 5 eedeysane, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Garyaqaan Amiin Daacad ayaa sheegay in Fadhiga Maxkamadda uu Maanta intaasi ku egahay, isla markaana Maxkamadda ay Go'aan kasoo saari doonto. Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Ciidamo ka mid ah kuwa dowladda iyo rag ka tirsan Al-Shabaab. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip