HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 25-JANUARY-2021

0
Monday January 25, 2021 - 10:38:12 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 25-JANUARY-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’isul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Agoonta Booliska

R/Wasaaraha JFS Md.Maxamed Xuseen Ro oble oo booqday Xarunta Xannaanada Carruur ta Agoonta ee Booliska, halkaas oo uu waqti ku la qaatay carruurta agoonta Booliska Soomaaliy eed, ayaa ku baaqay in la garab istaago careuur ta agoonta ah.

Eng. Rooble oo mid mid u gacan qaaday ago onta ku nool xarunta, lana qadeeyey ayaa ka waraystay xaalkoodu, daryeelka iyo waxbarash ada ay helaan heerka ay tahay.

R/Wasaaraha ayaa xusay in agoontu ay u ba ahan yihiin taageero iyo is garab istaag, isla mar kaana ay dowladdu mar walba diyaar u tahay si dii ay caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanagsan.

"Waxaan mar walba u taagannahay gacan si inta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa n xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan.

R/Wasaaraha ayaa ku ammaanay kaalintoo da maamulka gacanta ku haya xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed, waxuna kula dardaarm ay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan bar baarinta iyo waxbarashada agoonta Booqasha da Ra’isulwasaare roble ee agoonta booliska

Safiirka Mareykanka oo soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada dalka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay aa soo saartay diginin culus oo ku aadan doora shada Soomaaliya ka dib markii safiir Donald Yamamoto uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga musha raxiinta mucaaradka.

Yamamoto ayaa arrimaha do orashooyinka kala hadlay Musharaxiinta kala ah; Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guu leed, Shariif Xa san Sheekh Aadan iyo Cabdina asir Cabdile Ma xamed, sida lagu sheegay qora al kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soo maaliya, oo lasoo dhigay twitter-ka

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ay aa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaar addu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka had al. "Waxaan kala hadlay Cabdikariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aad an, iyo Cabdinaasiir Cabdille Maxamed, iyo Sha riif Xasan Sheekh Aadan baahida deg degga ah ee loo qabo in la helo isu-tanaasul suurta-geliya doorasho lagu kalsoonaan karo oo waqtigeeda ku dhacda. Maya doorasho hal dhinac ah, maya doorashooyin is-barbar socda, maya rabshado,” ayaa lagu yiri qoraalka. Digniintan ayaa u muu qata inay si toos ah ugu socoto dowladda federaalka oo qorsheyneysa inay doorashooyin hal dhinac ah ka qabato maamul goboleedyada taageersan.

Dawladda federaalka, maamul goboleed yada qaarkood iyo musharrixiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada fed eraalka, kan Somaliland iyo weliba sida doora shadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Waxa maalmihii u dambeeyay socday dadaalada ay beesha caalamka ku dhex-dhex aadinayaan dhinacyada isku haya doorashada dalka, inkasta oo uusan weli muuqan isbedel xal u noqon kara ismari-waaga taagan.

Shirka guddiga Sare ee Jaamacadda Umad da Soomaaliyeed oo Muqdisho lagusoo gab agabeeyay

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Ma xamed Xasan ayaa sheegay inuu soo dhamaad ay shir u socday gudiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo shir gudoominayey Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

Gudigan oo ka kooban 19 xubnood oo ay ka mid yihiin 11 Wasiir iyo Raktarka Jaamacadda, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan guul aha ay gaadhay jaamacaddu, shaqooyinka ay hada gacanta ku hayso iyo hiigsiga sanadaha soo socda.

Guddiga waxay wax aad loogu farxo ku tilm aameen in faraca Puntland ee Jaamacadda Um adda ee ku yaal degmadda Badhan oo ah far acii ugu dambeeyey ee jaamacadda lagu soo daro ay ka socoto shaqo wanaagsan, marka loo eego ardayda dhigata iyo kuliyadaha ay wax ka bartaan.

"Waxaan mar kale hambalyo u dirayaa maa mulka, ardayda, waalidiinta iyo shaqaalaha far aca Jaamacadda Umadda ee xarunteedu tahay magaalada Badhan, waxaa na u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan iyo inay noqda an xarunta aqoonta iyo hour marka dalka,” ayuu yiri wasii rka qorshaynka qaranka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay sii xoojin doonto tayaynta iyo horumarinta jaamac adda guud ahaan, faracyadda ku yaal meelaha fog fog sida kan Badhan ee Puntland.

Guddiga Madaxabanaan ee Doora shooyinka oo shir uga furmay Muqdisho

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyin ka ayaa shir muddo 4 maalin ah soconaya uga furmay magaalada Muqadisho, shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan hawl wadeennada Guddiga ayaa diiradda lagu saaray waxa u qab soomay Guddiga mudadii uu jiray.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Isma aciil oo shirka furtay ayaa ku dhe eratay ka shek eynta waxqabadkii Guddiga iyo caqabadaha soo wa jahay mudada uu jiray, iyadoo til maam tay in Guddiga shaqa wanaagsan uu ka qabtay fulinta qorshayaashii u daganaa halka caqabada la xariira arrimaha siyaasadda ay wax badan u suuragali waayeen. Guddoomiyaha ay aa sidoo kale ka warbixi say muhiimadda ay lee dahay isku xirnaanta ha wlwadeennada Guddi ga taas oo dhiirragalisay in ay waxbadan u qabs oomaan, kulana dardaa rantay in shaqaalaha ay sii laba jibaaran dadaal ka ay ugu shaqeyna yaan wadankooda madaa ma waajib saaran ay tahay.

Ugu danbayn Guddoomiye Xaliima ayaa raja badan ka muujisay in istaraatiijiyadda 2021-2025 uu guddiga waxbadan soo kordhin doono siina laba jibaari doonaan shaqooyinka guddiga si wadanka ay uga dhacdo dorasho qof& cod ah

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kulan La Yeeshay Taliska Ciidanka Cirka

Wasiirka W/Gaashaandhigga XFS Md. Xas an Xuseen Xaaji ayaa Shalay kormeer shaqo ku tagay Taliska ciidanka cirka xoogga dalka Soomaaliyeed. kormeerkaan shaqo ee uu Was iirka WG/dhigga XFS uu ku tagay taliska ciidan ka Cirka xoogga dalka ee Afisooni ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda ay ku suganyi hiin ciidanka Cirka iyo baahiyaha ay qabaan .

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaat ay saraakiisha ciidankaCirka Soomaaliyeed wax aana uu ka dhageestay war bixin la xiriirta xaaladda ciid anka Cirka.

Taliyaha ciidanka Cirka xoogga dalka Soomaaliye ed Jen. Maxamuud Sh. Cali oo la hadlay warbaahinta ka dib kulam adii ay la qaa teen Wasiirka W/G//dhigga ayuu sheegay in Tali ska ciidanka Cirka ay ku faraxs anyihiin booqa shada uu Shalay ugu yimid Wasi irka Difaaca.

Wasiirkaayaa tilmamay inay ka go’antahaytayeenta iyo horumarinta guud ahaan ciidanka xoogga dalkaSoomaaliya, waxa uu xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysa tay dib-u-habeynta ciidanka.

Hay’adda socdaalka oo qabatay shabak ado ka shaqayanyey socdaalka sharci darrada ah

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan

Koofi oo ka hadlay Shirweynaha Wadatashiga qiimeynta qataraha lacag dhaqidda oo Dorraad ka furm ay Magaalada Muqdisho ayaa shaa ciyey in ay gacanta ku dhigeen kooxo isku xiran oo ka shaqeyn jiray Arrimo la xiriira socdaalka sharci darrada ah.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiya dda ayaa sheegay in sanadkii tegay ee 2020 ay diiwaan-geliyeen 479 kiis oo socdaal sharci dar ro ah oo la doonayay in si qarsoodi ah dad dal ka looga dhoofiyo, islamarkaana ay ka hortegay sidoo kale sandkii kasii horeeyay ee 2019-kii ay gacanta ku dhigeen ilaa iyo 249 kiis

Agaasime Koofi ayaa cadeeyey in ay hay’adaha amniga loo gudbiyay dadkii loo qabtay kiisaska as, kuwaasi oo uu xusay in xukuno sharciga waafaqsan lagu riday.

Sidoo kale Agaasime Maxamed Aadan Koofi ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan dad u bad an Soomaali oo ka shaqeyn jiray socdaalka sha rci darrada ah, kuwaasi oo laga soo qabtay dalka dibadiisa, ayna dowladda la kaashatay Ha

y’addo Caalami ah.


Maareeyihii Dekedda Kismaayo oo Xalay lagu dilay Kismaayo

Maareeyihii hore ee Dekedda M/Kismaayo, Cawil Cali Barre (Cawil Buluq) ayaa Xalay lagu dilay magaaladaaasi. Maareeyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhintay is ra saaseyn ka dhacday bar kontor ool oo ku yaala afaafka hore ee gurigiisa, xaa fadda Guulwade, gaar ahaan ag agaarka Warsha ddii Hilibka.

Is rasaaseynta waxaa la sheeg ay inay u dhax eysay Ciidamadii Booliska ee kontoroolkaasi ku sugnaa iyo ciidan kaloo dhanka Madaxtooyada Jubbaland ka yimid.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mida ila aladii Maareeyaha uu dhaawac culus ka soo ga aray is rasaaseyntaasi, kaasoo iminka xaaladi isa lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee Kisma ayo.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar she egaya in dilka Maareeyaha uu ahaa mid qorshe ysan, sida ay ku sheegayaan dadka degan xaaf adda Guulwade.

"Walaal is rasaaseynta waxay bilaabatay mar uu gurigiisa sii gelaayay Maareeyaha, intii ka horeysay wax is rasaaseyn ah meesha kama jirin, labada ciidan-na way wada jooggeen. Ma rkii uu gaariga Maareeyaha meesha ka gudbay ayay is bareer ah rasaas ugu furayn.” Ayuu yiri goobjooge la hadlay Dhacdo.com.

Dagaal culus oo Shalayta ka dhacay deega an ka Bacaadweyn ee gobolka Mudug

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Shalayta degma da Bacaadweyn ee G/Mudug ku dhaxmaray ciida mada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ururka Al-shabab.

Dagaalka Shalayta ayaa qarxay kaddib mar kii Al-shabaab ay madaafiic dhowr ah ku tuuren, taasoo keentay in ku baxaan ciidamada dowla dda Soomaaliya oo dagaal culus la galay daga alyahannada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka Gal mudug ayaa ku sugnaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa ku amaanay ciidamada dowlad da iyo dadka deegaanka sida ay isaga difaace en kooxihii weerarka soo qaaday.

Marar badan oo horeAl-Shabaab ayaa wee rar ku qaaday Bacaadweyn, balse dadka deeg aanka iyo ciidan tiro yar oo ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa uga guuleys tay dagaaladii ka dhacay deegaanka.Lama she egin wax khasaare ah oo ka dhacay dagaalka Shalayta ka dhacay Bacaadweyn oo ahaa mid culus.

Al-Shabaab Oo Habeen hore Weerar Ku Qaaday Saldhigyo Ay Ku Sugnaayen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka midowga Afr ika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shaba ab ayaa Habeen hore ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka Burundi ku leeyih iin Buulo-burde iyo Jalalaqsi, waxaana ka dhac ay dagaalo muddo socday oo dhinacyada dhe xmaray. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaa wac ayaa lasoo sheegayaan inuu ka dhashay dagaalkaas, iyadoona dadka deegaanka ay sa qdii dhexe Habeen hore maqlayeen dhawaqa rasaas la is dhaafsanayo.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalka uu dileen hal Askari oo kamid ahaa Ciidanka AM ISOM gaar ahaan kuwa Burundi, halka Askar kalena oo aysan tiradooda cadeyn ay dhaawac yo soo gaareen.

Si kastaba Al-shabaab ayaa horey weeraro kala duwan oo geystay khasaarooyin ku qaaday Saldhiyo ay leeyihiin Ciidamada dowladda Fed eraalka Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM, waxaa na dhowr jeer dhinacyada dhexmaray dagaalo.

Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe oo Saraa kiil Ciidan kula kulmay Jowhar

Gudoomiyaha G/Sh/Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa Shalay Magaalada Jowhar kul an kula yeeshay Saraakiisha Ciidamad xoogga dalka iyo kuwa maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa G/Maxkamada CQS&xeer ilaaliy aha Maxkamada ka codsaday in ay Xafiis ka furtaan M/Jowhar ee Shaqada Maxkamada jowhar uga bilaabato. Ugu dambeyn guddoomiyaha G/ Sh/Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa far ay inee Amniga si wadajir ah uga wada Shaq eey aan Saraakiisha qeybahooda kala duwan.

Dab Khasaaro Geystay Oo Qabsaday Guri Ay Ku Sugnaayen Caruur Yaryar

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Ma amulka Galmudug ayaa waxaa ay ku warramay aan in Guri ku yaalla halkaas uu qabsaday dab xoogan oo khasaaro geystay.

Dabka ayaa qabsaday Guri ka sameeysnaa baakado iyo waxyaabo kale oo la isku geeyay oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Bidh aan-dheere oo dhinaca bari ka xiga Dhuusama reeb, halkaas oo deganaayeen qoys danyar ah.

Inta la xaqiijiyay hal Canug oo laba sanno jir ahaa ayaa ku geeriyooday dabkaas qabsaday Guriga, halka Canug iyo Gabar kale ay ku dhaa wacmeen, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Dadka deegaanka Bidhaan-dheere ayaa gur mad u sameeyay Caruurta waxyeelada kasoo gaartay dabkaas oo qabsaday Guriga ay ku su gnaayeen, waxaana dadaalo kala duwan oo la sameeyay lagu guuleystay in la demiyo dab kaas oo daqiiqado socday.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Ma maulka Galmudug ayaa waxaa horey uga kacay dab xoogan oo dhaliyey khasaaro hantiyadeed oo farabadan, kuwaasi oo qabsaday Xarumo Ganacsi oo ku yaalla halkaas.

Hay’adaha ka howl-gala Dalka oo lagu amray inay Isticmaalaan Bankiyada dalka

Wasiirka qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay ha y’addaha ka shaqeeyaa gudaha dalka ay sanadkii tagay kala hishiiyeen inay isticmaalaan bankiyada dalka lana rabo hada in lagula xis aabtamo dhaqan galinta hishiiskaasi sidoo kale lagu adkeeyo sida Soomaalida loogu xoojiyo in ay isticmaalaan bankigayada dalka."Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacaga dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay si daa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan gal inta hishiisyada”ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal waxa uu shee gay in kaliyada lacagaha dalka soo gali aysan laheyd Soomaa liyeed hase ahaatee ay jiraan hay’addo mashriic ka fuliya dalka sida lagu ogaaday lacag ka ba dan labo bilyan oo Doolarka Mareykanka ayaa soo gasha dalka sanadka kasta waana in la ogaado halka la mariyo iyo sida loo maareeyo

"Lacago ka badana labo bilyan ayaa sanad kiiba soo gasha dalka marka waa in lala socdaa sida loo maareeyo iyo habraacyada loo maray iyadoo la dhaxmarinayo bankiga dalka ayuu yiri wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka waxaa kaloo sheegay haddii aan la xisaabin lacagahaan iyo waxyaabaha ku xee ran waxaa laga yaaba in dhaqaale badan uu ka maqnaado nidaamka dowladda iyo shruucaha lagu hago dalka .

Mar haddii aan kun darno xisaabta inagoo ku dhaqeyno sharuucda dalka waxa ay suura galineysaa in maalgashiyaa sha ay kusoo dhiiradaan dalka taas ne ay suuragalineyso hormaro la ta aban karo.

Wasiirka qorsheynta xukumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa she egay inay diyaariyeen barnaamij lagula socona yo lacaga doolarka ee soo galo dalka halka lagu haayo iyo waxyaabaha lagu qabto.

"Waxaan Sameynay Bar lagula socdo laca gaha doolarka ee dalka la soo galiyo halka lagu isticmaalo iyo goobaha ay yaalaan waxaana ka mid tahay qorsha ay diyaarisay wasaaradda qor sheynta sidoo kale qof kasto waxaa uu kala so con karaan Page-ka wasaaradda .

QM oo faah faahisay kulanka Madaxweyna ha Galmudug & James Swan

Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Shalay gaaray Ergeyga Q/Midoobay u qaabils an Soomaaliya Amb, James Swan, isaga oo ku lan la yee shay Madaxweynaha Galmud ug & kux igeenkiisa.

Amb, James Swan oo safar ka ay ku wehli nayeen masuuliyiin ka socda Hay ’adaha UNDP iyo WFP ee Qaramada Midoob ay, waxaana Ma daxda Galmudug ay kala had leen taageerada Q/Midoobay ay siineyso Galm udug sanadkan 2021, taas oo isugu jirta mid Siy aasadeed iyo mid horumarineed.

Isagoo Shalay warfidiyeenka kula hadlayey M/Dhuusamareeb, Ergayga QM ee Soomaaliya, James Swan, waxa uu hoosta ka xarriiqay taa geerada Qaramada Midoobay ee Galmudug, isa goo soo dhaweeyey kaalinta Madaxweyne Qoor qoor ee xallinta khilaafka ka jira doorashada dal ka, waxa uu ku celiyey wakiilku baahida loo qa bo wadahadal iyo is-afgarad si horay loogu sii socdo.

Ergeyga QM James Swan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu waday dadaalo uu ku ra adinayo in xal loo helo muranka doorashada, waxana uu garoowe & Baydhabo kula kulmay Madaxweynayasha 2da Maamul halka Axmed Madoobe & xubnaha Midowga musharixiinta ay yeesheen kulan dhinaca khadka Internet-ka ah.

 

Biyo la’aan xooggan oo ka jirta magaalada Kismaayo

Bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya biyo la’aan ka jirto magaal a da, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay dad ka ku dhaqan magalada

Arrintan ayaa waxaa ka hadlay ma s’uuliyiinta maamulka Jubaland, ku waas oo sheegay inay wadaan qor she wax looga qabanayo cabashada bulshada magaalada.

Biyo la’aanta ayaa ah tii ugu horreysay ee la gu arko magaalada Kismaayo, sida ay sheege en mas’uuliyiinta.

Itoobiya oo Qunsul u soo magacaabatay Puntland

Dowladda Itoobiya aya qunsul Cuusb u soo magacaabatay xafiiska ay ku leedahay M/garoo we ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntl and, iyada oo Shalay uu Shaqo bilaabay.

Qunsulka oo lagu Magacaabo Degnachew Yitb arek ayaa Shalay booqasho ku tegay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoo we, isaga oo kulan la yeeshay Mada xweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooya da Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Mada xweynaha Puntland uu Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Itoob iya ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek.

Puntland ayaa xiriir toos ah waxaa ay la leedah ay D/Itoobiya, kaas oo ku saabsan dhinaca am niga, Ganacsiga, iyada oo sidoo ale diyaarada Shirkadda Itobiya Airlines ay duulimaadyo toos ah ku timaado degaannada Puntland.

Laba qof oo midi ay haweeney tahay oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Shalayta 2 qof oo midi ay haweeney tahay ku dilay D/Heliwaa ee G/Banaadir, iyadoo dilka ka dib ay kooxahaasi baxsadeen.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Waxarcadde, gaar ahaan halka lagu magacaabo Shaaciye, iy adoo kooxahaasi ay weerareen maqaaxi lagu shaaho, qaadkana lagu iibiyo oo halkaasi ku taala.

Kooxahaaasi ayaa la shee gay inay dileen ha weeneydii maqaaxida haysatay iyo as kari ka tir san Ciidamada Bo oliska, oo xilligaasi shaah ka cabaayay maqaaxidaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dembiile-yaasha ay horey u sii qaateen qorigii uu ninka askariga watay. Ciidamada Booliska ayaa daqiiqado ka dib ku baxay goobtaasi inkastoo aanay u suurta gelin inay gacanta ku soo dhigaan dhagarqabe-yaasha.

Dilkan ayaa walaac ku abuuray dadka deeg aanka, inkastoo ay xaaladda markii dambe ku soo laabatay, sideedii hore.

Habacsanaan dhanka amniga ayaa maalmi hii ugu dambeysay laga dareemay Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay ku soo badanayaan dilalka qorsheysan iyo weliba qaraxyada ay ka gay san ayaan kooxaha nabadiidka.

Madaxbannaani Noocee ah ayey Kala Heyst aan Guddiyada Dastuuriga ah iyo Hey’adaha Ku Dhisan Sharci Wasaaradeed?

Sanadihii dambe, oo ay dhismo ku socotay hey’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah, waxaa muran xooggan ka jiraa farqiga u dhaxeeya ama madaxbannaanida ay kala heys taan guddiyada ku jira dastuurka iyo hey’adaha lagu dhiso sharci ka yimid wasaarad, oo labadu ba lagu sheegayo in shaqadooda u madaxba nnaan yihiin.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu muran soo kala dhexgalay wasaaradda iyo hey’adda Batroolka, waxaana horay isugu dheganaa sax afiyiinta iyo wasaaradda warfaafinta oo done ysa inu gacanta ku dhigto hey’adooda.

Keliya hey’adaha ma aha waxa dacwada qa ba, ee marar qaar waxaa dhacda in guddi mada xbannaan oo dastuuri ah sida midka doorashoo yinka ay faraha lasoo gasho wasaaradda arrima ha gudaha, taasi ay keento isku dhac, mana jir to guddi dastuuri oo dhismay oo ay wasaarada hu aaney faragelin.

Haddaba, maxay kala yihiin labada madaxb annaani ama shaqo ee guddiyada dastuuriga iyo hey’adahan waxaa su’aalahaas Goobjoog News hordhignay wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Mukhtaar iyo Abuukaate Daahir Car ab.

Wasiir Mukhtaar oo hadda ah madaxa ma chadka SIPAM ayaa waxaa uu qabaa in ay mid weliba caddahay shaqadeeda laakin uu jiro cid iska indho tireyso isaga oo yiri’ Midka guddiyada dastuurka ayaa dalbaday, oo baarlamaanka ayey martaa, laakin hey’adahan sharci ayaa dal baday, oo wasaaradda ayey soo maraan’.

Mukhtaar Ibraahim oo sii hadlaya ayaa yiri’ Arrinta hey’adaha, tusaale ahaan wasaaradda Batroolka iyo hey’adda Batroolka, sharciga ayaa lagu caddeeyey wax walbo oo ay kala leeyihiin iyo in wasaaraddu leedahay siyaasadaha kore halka hey’addu leedahay shaqada iyo farsama da, laakin waxaa uu dhib imaaday marka wasiir ku doonay inuu isku qaato labadii shaqo’.

Dhanka kale, Abuukaate Daahir Carab ay aa waxaa uu qabaa in guddiyada madaxabanna an ay dastuurka ku xusan yihiin, isla markaana uu la xisaabtamo baarlamaanka halka hey’ada ha ku sameysma sharci wasaarad ay isla wasa araddu leedahay isla xisaabtanka sida shaqo si inta ama ceyrinta isaga oo soo jeediyey in had dii la doonayo madaxbannaani ay tahay in dast uurka dib u eegista ku jira lagu daro in hey’ada haas ay ka madaxbanaanaadaan wasaaradaha haddii kale uu sii soconayo murankan.

Abuukaate Daahir Cara boo arrinkan uga waramay Goobjoog News ayaa yiri’ Madaxbann aanida la sheegayo in hey’adaha heystaan waa mid qabyo ah, oo ah iney shaqadooda u madax bannaan yihiin, laakin sharciga lagu dhisay ay aa sheegaya inuu wasiirka la xisaabtamayo hal ka guddiyada uu baarlamaanka la xisaabtamo’.

Ugu dambeyntii, Abuukaate Daahir waxaa uu soo jeediyey’ Haddii ay jirto dad raadinaya madaxbannaani dhameystiran, waa in hadda da stuurka dib u eegista ku socoto lagu daraa in hey’ahaasi ka madaxbannaanaadaan wasaara adaha’.Xigasho:Goobjoog News

Netherland Oo Xirtay Nin Aad Dunida Looga Baadi Goobayay

Booliska dalka Netherlands ayaa garoonka da lkaas ku xiray nin lagu eedeeyay in uu yahay mid kamid ah ragga ugu waaweyn dunida, gaar qaaradda Aasiya ee ka ganacsada daroogada ama maandooriyaha, kaas oo dowladda Aust ralia horay ugu u jartay waran lagu soo xirayo.

Tse Chi Lop oo asalkiisu yahay Shiine balse heysta dhalasha da dalka Canada ayaa la shee gay in uu madax ka yahay shi rkad ka shaqeysa daraagiska, taas oo qiimaha ay kaga hawlgasho suuqyada Aasiya lagu shee gay 70 bilyan oo doollar.

Ninkan ayaa lagu sheegaa in uu yahay mid kamid ah ragga baxsadka ah ee ay ku raad joo geen booliska caalamiga ee Interpol, waxaana lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam.

56 jirkan ayaa lagu tilmaama ain uu yahay El Chap qaaradda Aasiya, kaas oo ahaa nin u dha shay dalka Mexico balse ka ganacsan jiray maa ndooriyaha.

Urur Islaami ah oo xiriir la leh Al-Shabaab oo looga dhawaaqay dalka Itoobiya

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in dalka Ito obiya laga sameeyey urur la magac baxay Isl amic State Center oo xiriir la leh Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay durba gacanta ku dhigtay xubno kamid ah ururkaas.

Maxamed Rashaad oo ka mid ah hoggaanka ururkaan ayaa warbaahinta OBN u sheegay in ururkoodu uu xiriir fiican la leeyahay urarada Al-Shabaab iyo Daacish, islamarkaana ay la dhac san yihiin fikiradda ay aam insan yihiin.

"Ururka Islamic State Cen ter ee dalka Itoobiya, xeer ah aan iyo fikir ahaanba wuxuu la socdaa oo uu ku xiran yahay ururada Al-Sha baab iyo Daacish,” ayuu yiri Maxamed Rasha ad. Ururkaan ayaa waxaa tababar siiyey xubno sare sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegtay Dowladda Itoobiya, waxayna sidoo kale dowladda sheegtay inay jiraan taageero dhaqaale oo ay dibadda ka helaan.

Ururukaan ayaa waxaa laga aasaasay Gobol ka Baale ee Oromiya, waxaana ujeedka loo sa meeyey lagu sheegay sidii ay ula wareegi lahaa yeen guud ahaan talada dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ururka an uu hadda billaabay inay dadka ku dhiiri geli nayaan inaysan wax canshuur ah siinn Dowlad da taasoo laga yaabo inay iska hor keento Dowladda iyo dadka Shacabka ah ee markii hore bixin jiray Canshuurta.

Ugu dambeyntii xubnaha gacanta lagu dhig ay ee ka tirsan ururkaan ayaa waxay gaarayaan illaa 25 qof, waxaana xusid mudan i


Dowladda Soomaaliya Oo War Kulul Kasoo Saartay Dagaalkii Balad-Xaawo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo xalay gudaha deg mada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhex maray Ciidanka dowladda ee Haramcad iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan.

Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka ay aa waxaa lagu sheegay in Jabhad ay soo hu beysay dowladda Kenya ay weerar xoogan ku soo qaaday Gobolka Gedo gaar ahaan Balad-xaawo, iyadoona dagaalkaas Cambaareeysay.

Dowladda ayaa sheegtay Ciidanka Xoogga dalka ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Jabhadda ay soo hubeysay Kenya, isla markaana weerarkaas ku tilmaamatay mi sharci darro ah oo shisheeye soo abaabulay.

"Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hub aysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallo wday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerar tay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliy eed ayaa si geesinimo ah ugu jilib dhigay duul aankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumad da ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin duu laankii gardarada ah ee laga soo abaabulay gud aha Kenya, kaas oo qilaafsan maslaxadda nab ad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

"Waxan si adag u cambaaraynaynaa duula ankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gu daha Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nab ad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaran imo” ayaa lasii raacsiiyay Qoraalka.

Dagaal khasaaro geystay ayaa xalay gudaha degmada Balad-xaawo ku dhexmaray Ciidamo uu watay Wasiir Janan iyo kuwa dowladda Fede raalka, waxaana wararka qaarkood ay sheega yaan in Ciidanka Janan ay qabsadeen qeybo ka mid ah degmadaas.

Dowladda Somalia Oo Ka Hortegtay Hub Iyo Rasaas Lasoo Gelin Rabay Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa she egtay inay ka hortegtay hub iyo rasaas sharci darro ah oo la doonayay in lasoo geliyo gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii dowladda he shay xogo muhiim ah.Qoraal kasoo baxay Was aaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shishe eye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay ma almahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan dalka, iy adoo DFS aan ogolaasho laga heysan.

"Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay ni daam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nida amkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.

Sidoo kale dowladda ayaa tilmaamtay in qor shaha lagu doonayay in hubka lagu soo geliyo dalka uu ahaa mid lagu khalkhal gelinayo nab adda iyo xasiloonida Dalka, isla markaana talla abadaas ay u aragto duulaan lagu soo qaaday dalka.

"Dowladda Federalka Soomaaliya qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci da rro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabad da iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duu laan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasil oonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagay saa” ayaa lasii raacsiiyay Qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladdda Soomaaliya.

Sweden ayaa mamnuucday dadka ka soo gala Norway caawa

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday xay iraad dhanka socdaalka ah oo laga soo galo No rwey maalintii Axada, si loo yareeyo halista noo cyada cusub ee cudurka coronavirus uu ku faafo.

"Mamnuucitaanku wuxuu soconayaa saqda dhexe ilaa Febraayo 14-keeda waana la kordhin karaa haddii loo baahdo”, Wasiirka Arrimaha Gu daha Mikael Damberg ayaa ka sheegay shir jar aa’id galabnimadii Axadda.

Xayiraadda gelitaanka ee Boqortooyada Ingi riiska iyo Danmark ayaa sidoo kale la kordhiyay illaa iyo 14-ka Febraayo.Isla mar ahaantaana, wasaaradda arrimaha dib addu waxay dib u soo bandhigaysaa talooyinka ka dhanka ah safarka aan loo baahnayn ee lagu tagayo Norway. Go’aanka ayaa ansax ah illaa ogeysiis dambe

Bishii Diseembar, Iswidhan waxay ku dha waaqday in laga mamnuucay u safridda Swe den ee labada waddan ee UK iyo Danmark sab abo la xiriira nooc cusub, taas oo ay ahayd markii hore bil ugu dambaysay. Waxyaabaha ka reeban go’aanka dowlada ayaa khuseeya ku wa ka shaqeeya Iswiidhan ama leh baahiyo qo ys oo deg deg ah, iyo sidoo kale gaadiidka xam uulka.

Sabtidii Jannaayo 23-keedii, dawladda Noor way waxay soo bandhigtay xayiraad taxane ah oo aad u adag Oslo iyo sagaal degmooyin kale oo dheeraad ah sababo la xiriira dillaaca nooc cusub ee cudurka coronavirus ah, oo markii ugu horreysey lagu arkaay dalka Ingiriiska.

Isbeddelka fayraska Ingiriiska ayaa horey uga jiray Iswiidhan. Ilaa iyo hada, ilaa 50 kiis ayaa la xaqiijiyay, badankoodna waxay kuxiranyihiin dad dibada ku maqnaa, sida ay sheegtay wasa radda caafimaadka bulshada.

Go’aanka dowlada ee ku aadan xayiraada safarka Norway ayaa daba socota talo ka timid hey’ada caafimaadka bulshada.

"Waa go’aan aan caadi ahayn, oo aan ugu yaraan tixgelinayn soohdinta dhulka ee dheer ee u dhaxaysa dalalka,” ayuu yiri Wasiirka Arrim aha Gudaha Demberg.

Wuxuu intaa ku daray inay hada muhiim ta hay in si dhow loola socdo horumarka sida viru ska isbadalku ugu fiday Norwey wuxuuna tilma amay awooda lagu ogaan karo isbadalka virus ka cusub aay leedahay Sweden waana ku filan tahay waqtigaan.

Jubbaland oo sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta Beledxaawo.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleed ka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa gu ulo ka sheegtay dagaal saakay ka socda ciida mada dowladda ee ay geysay Gedo iyo ciidamo uu hoggaaminaya wasiirka amniga Jubbanad Cabdi rashiid Janaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen xaruunta degmada iyo saldhiga booliiska degmadaasi isla markaana illaa hadda uu dagaalki socdo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Soo maaliya ku eedeeyay in iyadu ka dambeysay dagaalka isla markaasna ay weerarka ku soo qaaaday ciidamada Jubbaland.

Dhinaca kale War-saxafadeed deg deg Ah o Ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ee dowl adda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jabhaddii hubeysan oo soo hubaysay Dowladda Kenya ay weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo..Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in mad aafiic laga soo ridayo dhanka Mandheera ay ku soo dhacayso gudaha magaaladaas.


MAXAA KUSOO KORDHAY XIISADDA TURKIGA IYO GREECE?

Kadib shan sano oo ay ku muran-sanaayeen biyaha badda Mediterranean-ka ayay dowla daha Turkey iyo Greece berri oo Isniin ah bil laabi doonaan wadahallo fool-ka-fool ah, talla abadaas oo tijaabo u ah rajo laga qabo inuu ha gaago xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurb.

Wadahadallada ayaa ka danbeeyay kaddib ma rki Turkiga uu hakiyay, baaritankiiisii gaaska ee biyaha lagu muransanyahay ee ka careysiisay dowaldaha Greece iyo Qubrus.

Wadahadallada labada dhinac ayaa la fila yaa inay waddada u xaarto booqasho ay Tur kiga ku tagaan hogaamiyaasha Midowga Yurub.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub Iska-indha-tirid istaraatiijiyade ed oo ku wajahan Turkey, balse sheegay inuu di yaar u yahay hagaajinta xiriirka Turkey iyo Mido wga Yurub.

Midowga Yurub ayaa horey cunaqabteyno kooban u saaran Turkey, kuna hanjabay kuwa adag, haddii Ankara ay sii waddo baaritaanka gaaska ee biyaha badda Mediterranean-ka.

Wasiir caafimaad oo ku faantay "dawo dhir eedka Korona" oo uu hadda cudurkaasi ku dhacay

Wasiirka caafimaadka dalka Sri Lanka, oo in dhawaale u ololeynaysay dawo dhireed la she egay in lagu daweeyo ama looga hortago cudur ka Covid-19, ayaa hadda laga helay fayraska cudurkaasi.

Pavithra Wanniarachchi ayaa jimcihii dhawaa laga helay cudurkaasi, sida uu BBC u sheegay xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda caafimaadka.

Waxay in badan dhiirigelin jirtay isticmaalka sharoobo dhir laga sameeyay, oo uu soo saaray nin sixirrow ah oo sheegay in marka la cabbo sharoobadaasi ay ka hortageyso fayraskani inta ka hartay qofka noloshiisa.

Dalka Sri Lanka, inta la ogyahay cudurkan ayaa soo ritay 56,076 qof halka 276 qofna ay u dhinteen tan iyo billowgii faafitaanka cudurkan, waxaana bilihii la soo dhaafay soo badanayay dadka uu cudurkani soo ritay.Wanniarachchi ayaa noqoneysa wasiirkii afaraad ee laga helo cudurkan guud ahaan dalkaasi. Dhawaan ayay ahayd markii wasiir kale oo sidoo kale qaatay dawo dhireedkani laga helay cudurkani saf-marka ahi.

Wanniarachchi oo ah wasiirka caafimaadka ayaa dadka hortiisa ku cabtay sharoobadaasi dhirta lagas ameeyay, waxa ayna dadka sheegtay in ay ka hortagayso fayraska cudurk an.

Saaxirka soo oo allifay sharoobadani oo ka kooban malab iyo lows ayaa sheegay in qaabka loo sameeyo iyo waxyaabaha laga sameeyaba uu ku helay riyo ahaan. Dhakhaatiirta dalkaasi ayaa beeniyay in sharoobadani dawo-dhireedka ahi ay daweyn karto cudurkani, balse wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku soo warantay in kumannaan qof ay u safreen tuulo dalkaasi ku taal si ay u helaan dawadaasi.

Xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda caafimaadka dalkaasi, Viraj Abeysinghe, ayaa BBC-da u sheegtay in Wanniarachchi laba jeer laga baaray cudurkaasi Covid-19, balse labaduba laga helay cudurka.

Wasiirka ayaa laga codsaday inay iskeed isu karantiisho, waxaana sidoo kale is-karantiilay dhammaan dadkii ay xiriirka dhaw la yeelatay.

Dalka Sri Lanka oo kaliya ma ahan waddaamda dadka xilalka haya ay u ololeeyeen dawooyin aan la hubin in ay wax ka tarayaan cudurka Covid-19.

Sanadkii la soo dhaafay, ayaa madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, waxaa lagu dhaliilay inuu dhiirrigelinayay dawo dhireed uu sheegay inay ka hortagi karto fayraska cudurkani, waxaana la soo sawiray isaga oo u qaybinaaya dawo dhireedkaasi bulshada danyarta ahi ee ku nool caasimadda dalkaasi.

Tan iyo markii uu billowday faafitaanka cudurkani, tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunka iyo wasiirro ayaa qaaday cudurkaasi Covid-19. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, Ra'iisalwasaaraha UK, Boris Johnson, iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dhamaantood sanadkii la soo dhaafay uu ku dhacay fayraska cudurkaasi dhammaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Dadka Corona laga tallaalay qof kale ma sii qaadsiin karaan?

Dalal badan oo caalamka ayaa bilaabay tallaalka feyraska corona, kaas oo la aaminsan yahay in uu dadka siinayo adkeysi difaaca jirka ah haddii uu ku dhaco feyraska corona.

Tan iyo markii la bilaabay tallaalka, waxaa soo baxayay su'aalo badan oo ay kamid tahay in haddii qofka la tallaalo uu ku dhaco xanuunka uu sii qaadsiin karo qof kale.

Balse khubaro arimaha caafimaadka oo u dhashay dalka Britain, ayaa sheegay in haddii qofka la tallaalo, xanuunkana uu ku dhaco uu sii qaadsiin karo dadka kale, sidaas darteedna dadka looga baahan yahay inay guryaha ku nagaadaan.

Ku xigeenka madaxa caafimmaadka ee England, Prof Jonathan Van-Tam ayaa sheegay in dadka England looga baahan yahay inay taxadar sameeyaan.

Mr Jonathan oo maqaal ku qoray wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalkaas, ayaa sheegay in cullimada seyniska ilaa iyo hadda aysan ogeyn sida uu tallaalka u xakameyn karo faafidda feyraska.

Tallaalka ayuu sheegay in uu yahay "rajo" balse loo baahan yahay in heerka kiisaska hoos loo dhigo.

Wasiirka caafimmaadk ee UK, Matt Hancock ayaa BBC-da u sheegay, in 75- boqolkiiba dadka ay da'doodu ka sareyso 80 la tallaalay. Dadkan ayaa labada jeer la kala siiyay labada nooc ee tallaalka ee kala ah Pfizer-BioNTech iyo tallaalka jaamacadda Oxford ee AstraZeneca.

Mr Mat, ayaa sidoo kale sheegay in saddex meelood laba meel dadka ka shaqeeya goobaha dadka lagu xannaaneeyo la tallaalay, dhawaanna kuwa kale la tallaali doono.

Wuxuu intaa raaciyay "in tallaalka boqolkiiba boqol uusan damaanad qaadeynin waxtar buuxa".

"Xitaa hadii aad qaadato labada nooc ee tallaalka, waxaa laga yaabaa in aad qof kale qaadsiiso xanuunka", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Inka badan 5.8 milyan oo qof oo ku nool Ingiriiska, ayaa helay wajiga koowaad ee tallaalka, sida ay sheegtay dowladda. Hey'adda caafimmaadk UK ee NHS ayaa sheegtay, in xarumo cusub oo laga bixiyo tallaalka laga furayo guud ahaan England, laga bilaaba maalinta isniinta.

Xarumhan cusub oo gaaraya 32 ayaa ahmiyadda waxaa la siin doonaa shaqaalaha caafimmaadka, dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo kuwa qaba xanuunada daran.

Waxaa kale oo ay Britain sheegtay in dhawaan ay hirgelin doonaan xaruma kale oo gaaraya 49, 70 farmashiyo, kun xarumo caafimmaad iyo 250 isbitaal, kuwaas oo dhammaantood ay dadka ka qaadan doonaan tallaalka.

Wasiirka koowaad ee Scotland, waxay sheegtay in inkabadan saddex meelood meel dadka ay da'doou ka sarreyso 80 ay qaateen wajiga koowaad ee tallaalka.

Prof Van-Tam waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida Britain ay u qabto "in kiisaska hoos loo dhigo sida ugu dhakhsiyaha badan inta tallaalka la siinayo dadka nugul".

Sida laga ogaaday xogta dowladda, waxaa xaaladda aad u liidata ku sugan 4,076 oo qof, kuwaas oo isbitaalada Britain jiifa, ayna ku rakiban yihiin qalabka neefta dadka ka caawiya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip