Jubbaland oo sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta Beledxaawo.

0
Monday January 25, 2021 - 08:29:06 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta Beledxaawo.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa guulo ka sheegtay dagaal saakay ka socda ciidamada dowladda ee ay geysay Gedo iyo ciidamo uu hoggaaminaya wasiirka amniga Jubbanad Cabdi rashiid Janaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen xaruunta degmada iyo saldhiga booliiska degmadaasi isla markaana illaa hadda uu dagaalki socdo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in iyadu ka dambeysay dagaalka isla markaasna ay weerarka ku soo qaaaday ciidamada Jubbaland.

Dhinaca kale War-saxafadeed deg deg Ah o Ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jabhaddii hubeysan oo soo hubaysay Dowladda Kenya ay weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo..

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in madaafiic laga soo ridayo dhanka Mandheera ay kusoo dhacayso gudaha magaaladaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip