Maxaa kala qabsan doona milkiilaha Facebook iyo Biden?

0
Monday January 25, 2021 - 08:19:51 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kala qabsan doona milkiilaha Facebook iyo Biden?

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ka hor inta aysan qarxin sheekadii Cambridge Analytica. Kahor inta uusan Facebook garwaaqsan in bartaas loo adeegsaday in lagu caawiyo kicinta dabargoyn isireed oo ka dhacay Myanmar. Kahor dilalkii WhatsApp lagu geystay ee ka dhacay Hindiya. Kahor QAnon iyo Proud Boys - Mark Zuckerberg wax walba gacantiisa ayay ku jireen.

Waxaa xaqiiq ah, in bilowgii 2017 uu go'aansaday inuu booqasho ku maro Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu ku sheegay inuu jeclaan lahaa inuu "dad badan kala hadlo sida ay u nool yihiin, u shaqeynayaan amaba ay uga fekerayaan mustaqbalka".

Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu la hadlo dhammaan dadka ku nool 50-ka gobol - si uu xiriir toos ah ula sameeyo dadka Ameerikaanka ah.

Waxay dadka qaar u arkayeen in socdaalkaasi uu bilow u yahay damac madaxtinnimo oo 2020-ka ah - taas oo uu beeniyay.

Suurtogalnimada inuu isa soo sharxo ayaa aad looga dooday warbaahinta - lacag wuu heystay, damac, iyo awoodna wuu lahaa.

Facebook's Mark Zuckerberg and President Biden


Mark Zuckerberg iyo Madaxweyne Biden

Vanity Fair website

XIGASHADA SAWIRKA,VANITY FAIR

Qoraalka sawirka,

Waxaa jirtay malo ah in Mr Zuckerberg uu u tartamayo madaxweyne

Toddobaadkan dhexdiisa, Joe Biden ayaa ka hadlay arrinta ay dad badan rumeysan yihiin ee ah in Mark Zuckerberg uu si qarsoodi ah u daneynayo, amaba ugu yaraan uu daneyn jiray.

"Ma aha qof laga soo dhoweynayo xisbiga isku dhafka ah. Umana maleynayo inuu muddo dheerba ahaa," ayay tiri Sarah Miller, oo ah agaasimaha Mashruuca Xornimada Dhaqaalaha Mareykanka. Waxay sidoo kale ka mid tahay kooxda Joe Biden.

"Wax badan halkaas naguma dhaafin," ayay tiri. "Facebook waxaa si weyn loogu arkaa kan ugu xun dhammaan shirkadaha kale ee teknolojiyadda."

Maamulkii Obama ayaa loo arkayay inuu u dhowaa Dooxada Silicon iyo Facebook. Biden haddii uu mar uun saaxiib la ahaa bartaas, haatan ma aha.

Xaqiiqdii, madaxweynaha ayaa aalaaba Facebook tusaale ugu soo qaata dhibaatooyinka laga dhaxlay xorriyadda intenet-ka.

Mar uu sanad kahor la hadlayay New York Times wuxuu yiri:

"Weligey taageere uma ahayn Facebook, sida aad ogtahay. Weligey taageere uma noqon Zuckerberg. Waxaan u maleynayaa inuu yahay dhibaato dhab ah."

Keliya maaha Biden. Maalmihii ka dambeeyay guushii doorashada Biden, ku xigeenka madaxa xiriirka ee Biden, Bill Russo, ayaa qoraal soo dhigay Twitter-ka:

"Haddii aad mooddo in wararka marin habaabinta ee Facebook ay dhibaato ahayd intii ay doorashadu socotay, keliya sug ilaa aad ka aragto sida ay maalmaha ka dambeeya u dhaawacayso dimuqraaddiyaddeenna."

Mark Zuckerberg at the US Senate in 2018

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Dimuqraaddiyiinta ayaa Facebook ku eedeeya wixii dhacay 2016. Isticmaalkii Jamhuuriga ee uu Cambridge Analytica u adeegsaday inuu qaab teknolojiyadeed u beegsado codbixiyeyaasha ayaa loo arkay inay qeyb weyn ka qaadatay guushii Trump.

Balse haddii ay dhibaatadu taas ahayd, xiriirku haatan wuuba ka sii xun yahay. Tan iyo wixii intaas ka dambeeyay, Dimuqraaddiyiinta - oo uu ku jiro Joe Biden - ayaa ka carooday waxa uu Facebook u oggolaaday bartiisa.

Mar uu la hadlayay CNN dabayaaqadii 2019 Joe Biden wuxuu yiri :

"Ma sameyn kartid waxa ay awoodaan inay ku sameeyaan Facebook, oo aadna waxba ka dhihin, isla markaana aanad garwaaqsan marka aysan arrin run ahayn. Waxaan u maleynayaa in arrimahaas oo dhan ay gacanta ka baxeen."

Dhibaato ku soo fool leh Facebook

Markii aad tahay bilyaneer, dabcan muhiim kuuma aha haddii uusan madaxweynuhu ku jecleyn.

Balse waxa uu haatan Madaxweyne Biden fursadda u heysto ayaa ah inuu dib u qaabeyn ku sameeyo shirkadaha teknoljiyadda ee waaweyn, isla markaana ay dib u habeyn ku sameeyaan xiriirka ay shirkadaha baraha bulshada la leeyihiin macaamiishooda.

Taas dhibaato ayay ku noqon kartaa Facebook.

Dhibaatada ugu daran waa in meesha laga saaro Qeybta 230 ee dastuurka.

Kani waa sharci yar balse muhiim ah kaas oo shirkadaha sida Facebook ka hor istaagaya in maxkamad lagu saaro waxa ay dadku soo qoraan.

Joe Biden ayaa sheegay inuu doonayo in sharcigaas meesha laga saari. Xaqiiqdii, wareysi uu sanad kahor siiyay New York Times wuxuu ku sheegay inuu doonayo in"degdeg looga laabto".

Taaso musiibo ayay ku noqon kartaa Zuckerberg. Dhammaan waxyaabaha ay aflagaaddadu ku dheehan tahay ee ay dadku soo qoraan waxaa mas'uuliyaddooda qaadi doona Facebook. Way adagtahay sida uu Facebook u sii shaqeyn karo haddii uusan jirin sharciga 230.

Facebook taas wuu ka hor imaan doonaa dabcan. Balse Biden ayaa u muuqda inuu doonayo inuu xulafo la sameysto kuwa raba in la kala qeybiyo shirkadaha teknolojiyadda ee waaweyn.

Sanadkii 2019, wuxuu shegay in kala qeybinta shirkadaha sida Facebook ay tahay "wax la doonayo inaan si fiicna indhaha ugu heyno".

Waxa uu madaxweynuhu haatan go'aansado in lagu sameeyo shirkadaha waaweyn ee teknolojiyadda ayaa waxaa ka dhex muuqan doona nacaybkiisa la xiriira bartaas, iyo milkiilaheeda Mark Zuckerberg.

Xigasho:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip