Ra'isul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Agoonta Booliska (Sawiro)

0
Sunday January 24, 2021 - 19:14:16 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Agoonta Booliska (Sawiro)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Caruurta Agoonta ee Booliska, halkaas oo uu waqti kula qaatay carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed, ayaa ku baaqay in la garab istaago caruurta agoonta ah.

Eng. Rooble oo mid mid u gacan qaaday agoonta ku nool xarunta, lana qadeeyey ayaa ka waraystay xaalkoodu, daryeelka iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in agoontu ay u baahan yihiin taageero iyo is garab istaag, isla markaana ay dowladdu mar walba diyaar u tahay sidii ay caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

"Waxaan mar walba u taagannahay gacan siinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay kaalintooda maamulka gacanta ku haya xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed, waxuna kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan barbaarinta iyo waxbarashada agoonta.

booqashada raisul wasaare roble ee agoonta booliska
10of 12
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip