James Swan Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Jira Doorashada Farriina Diray

0
Sunday January 24, 2021 - 22:02:03 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Swan Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Jira Doorashada Farriina Diray

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee kasocda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose iyo arrimaha Bani’aadanimada.



Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan qabsoomida doorashada dhacaya iyo sidii lagu xalin lahaa khilaafka taagan.

James Swan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro khilaafka ka taagan doorashada, isagoona ku baaqay in arrintaas wada-hadal laga yeesho, sidoo kalena soo dhaweeyey kaalinta Qoorqoor ee xallinta khilaafka jira.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan, waxaana xusid mudan in dadaalada uu qeyb ka yahay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip