Dagaal culus oo galabta ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug

0
Sunday January 24, 2021 - 14:30:08 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal culus oo galabta ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Dagaalka galabta ayaa qarxay kaddib markii Al-shabaab ay madaafiic dhowr ah ku tuureen, taasoo keentay in ku baxaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dagaal culus la galay dagaalyahannada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku sugnaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa ku amaanay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka sida ay isaga difaaceen kooxihii weerarka soo qaaday.

Marar badan oo horeAl-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Bacaadweyn, balse dadka deegaanka iyo ciidan tiro yar oo ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa uga guuleystay dagaaladii ka dhacay deegaanka.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhacay dagaalka galabta ka dhacay Bacaadweyn oo ahaa mid culus.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip