Hay'adda socdaalka oo qabatay shabakado ka shaqayanyey socdaalka sharci darrada ah

0
Sunday January 24, 2021 - 12:37:57 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda socdaalka oo qabatay shabakado ka shaqayanyey socdaalka sharci darrada ah

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo ka hadlay Shirweynaha Wadatashiga qiimeynta qataraha lacag dhaqidda oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen kooxo isku xiran oo ka shaqeyn jiray Arrimo la xiriira socdaalka sharci darrada ah.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in sanadkii tegay ee 2020 ay diiwaan-geliyeen 479 kiis oo socdaal sharci darro ah oo la doonayay in si qarsoodi ah dad dalka looga dhoofiyo, islamarkaana ay ka hortegay sidoo kale sandkii kasii horeeyay ee 2019-kii ay gacanta ku dhigeen ilaa iyo 249 kiis .

Agaasime Koofi ayaa cadeeyey in ay hay’addaha amniga loo gudbiyay dadkii loo qabtay kiisaskaas, kuwaasi oo uu xusay in xukuno sharciga waafaqsan lagu riday.

Sidoo kale Agaasime Maxamed Aadan Koofi ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan dad u badan Soomaali oo ka shaqeyn jiray socdaalka sharci darrada ah, kuwaasi oo laga soo qabtay dalka dibadiisa, ayna dowladda la kaashatay Hay’addo Caalami ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip