HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 24-1-2021

0
Sunday January 24, 2021 - 10:31:18 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 24-1-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shir looga hadlayay Arrimo muhiim ah oo ka furmay Muqdisho

    Magaalada Muqdisho waxaa Shalay ka fur may Shirweynaha Qaran ee Warbixinta Qiimeyn ta Khataraha Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta waxa loogu hero Argagixisada.

      Shirka ayaa waxaa furay Ra’I isul Wasaare kuxigeenka Soo maaliya Mahdi Maxamed Guul eed Khadar waxaa goobjoog ka ahaa Wasiieo uu horkacayay Wasiirka Maaliyadda Soomaali ya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle & Xubno kale.

    Wasiir Beyle Beyle Shirka ka sheegay Warbx iin la xiriirta guud ahaan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaa lanka maalgelinta argagixisada.

      Dhamaan mas’uuliyiinta Shirka ka qeyb gal ay ayaa waxaa ay halkaasi ka sheegeen inay muhiim tahay in laga hortaggo Khataraha Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta waxa loogu hero Arg agixisada.

Guuleed” Dowladda Federaalka Soomaaliya Amniga Guud ee dalka ayay dayacday”

     Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ka na mid ah Xubnaha Midowga musharixiinta mad axweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in DFS ay dayacay amniga Guud ee dalka.

     Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ay aa waxaa uu ku sheegay in maalmih ii la soo dhaafay ay xoogeyteen lalka kooxaha argagixis adaha ah, isla ma rkaana Markii madax da iyo saraakii shii amnigu ay ku mashquuleen arrimaha siy aasadda iyo doorashada.

     Ugu dambeyn  Cabdi Kariin guuleed ayaa da dka reer Muqdisho  ugu baaqay iney si miir-qa bleh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman ar rimaha doorashooyinka,gaar ahaan ammaanka.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

    Waxaa muuqata in DF ah ay si buuxda u dayacday amn igii guud ee dalka gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaa fay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogey staan falalka kooxaha argagixisadaha ah. Wax aan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dal ka ka dhacay laba dii toddo baad ee lasoo dhaafay.

     Markii madaxda iyo sar aakiishii amnigu ku mashqu ulaan arrimaha siyaasadda iyo door ashada, waxa la filan karo waa iney cadowgu ka faa’iideystaan dayac aas jira. Dowladda Feder aalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amn iga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatoo yinka joogtada ah ee ka so cda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

     Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Waa waqti muhiim u ah dalka & dadka. Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awg eed waa in gacana looga shaqeeya arrima ha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.Sidoo kale dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar aha an ammaanka.

Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Safiirka Midowga Yurub?

      Madaxweynaha D/G/Hirshabeelle Cali Guud laawe Xussen ayaa Shalay Magaalada Muqd isho ku qaabiley safiirka Midowga yurub ee Soo maaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

      Kulanka ayaa intii uu socday waxeey uga wada hadleen Arri maha Dib u Heshiisiinta, hirg elinta iyo fulinta mashaariic horumari need oo muhiim ah, iyo dha meystirka goleyaasha deeg aanka Degmooyin ka Hirshabeelle.

     Cali Guudlaawe ayaa maalmihii la soo dhaaf ay waxaa uu Muqdisho kula kulmayay Madax kala duwan iyo qaar kamid siyaasiyiinta Mucaa radka.

Labo oday dhaqameed oo lagu dilay Muqdisho

    Koox hubeysan ayaa Shalay suuqa Bakaar aha ee magaalada Muqdisho ku dilay labo oday dhaqameed.

2da oday dhaqameed ayaa lagu kala magacaa bi jiray Axmed Maxamuud Aadan iyo Axmed Sheekh Abdullaahi, waxaana baxday kooxdii dilka geystay.

      2da oday dhaqameed ayaa degaan ahaan ka soo jeeday degaaka Bacaadweyne ee Koof urta gobolka Mudug.

    Mahad Cabdalle Cawad Guddoomiye ku xig een labaad ee Baarlmaanka Soomaaliya oo ka hadlay dilka odayaasha ayaa sheegay in labada oday ay kamid ahaayeen dad horay u diiday am arada Al-shabaab.

     Dilka odayaasha ayaa ku aadaya, iyadoo isla Shalay magaalada Muqdisho qarax lagu wee raray nabadoon caan ah, weerarkaas oo ku dhi nteen ilaa afar qof.

     Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku oo badanayay qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee rayidka.

Goobjooge ka sheekeeyay dhacdo naxdin leh, ka dib qaraxii Muqdisho

     Ninkan oo ka ag-dhawaa goobtii uu ka dhac ay qaraxii Shalay M/Muqdisho lagula eegtay la ba Xildhibaan oo hore ayaa ka sheekeeyay dha cdo argagax leh. Gaari ay la socdeen Ex Xildh ibaan Muxudiin Xasan Afrax iyo Ex Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaana yaa qaraxan lagula eegtay Waddada Beexaani ee Degmada Shibis. Goobjoogaha ayaa marka ho re sheegay in xilligii uu qara xu dhacaayay uu gurigooda ku jiray, isla-markaana uu ku soo baxay jugtii xooganeyd ee qaraxa.    Waxaa uu sheegay in uu bannaanka ku ar kay uuro, boor iyo gaarigii la beegsaday oo wad dada dhinaceeda wa-xoogaa ka baxay, afkana ku haya darbiga, isla-markaana uu gaariga ka soo degay Ex Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax, waxaa uu intaa ku daray in uu gartay in ninkaasi uu yahay Ex Xildhibaan Afrax, uuna u degay, waxna ka weydiiyay sida ay wax u gaareen, wa xa uu in taa ku daray dadkii gaariga la socday in ay di badda uga soo baxeen oo keliya Afrax iyo hal askari. Kuwii kale ayuu sheegay inay gaariga gudahiisa ku jireen, maskaxdoodana ay laamiga taalay, askari kalena uu dhulka yaalay.

      Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaariga gu dahiisa uu ku arkay Ex Xildhibaan Xuseen Cara ale, oo xaaladiisa uu ku sheegay inay ahayd mid culus.

      Gaari uu leeyahay Booliska Degmada Kaar aan ayuu sheegay inay ku qaadeen dadkii dhaa wacyada daran qabay, oo ay ku jiraan darawal kii gaariga oo afka hore ka go’naa, nin askariya oo xaaladiisa ay aad u liidatay iyo Ex Xildhibaan Xuseen Caraale.

     Goobjoogaha oo la hadlay BBC ayaa xusay in Ex Xildhibaan Afrax ay faraha oo keliya wax ka soo gaareen iyo in uu goobta ku arkay mey dadka saddex askari oo ilaaladii la socotay ah.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa horey ka shee gtay masuuliyadda qaraxan ugu dambeeyay ee Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

       Muqdisho waxaa in dhawaalaba ku soo ba danayay qaraxyada la dhigo hareeraha waddo oyinka, ee markaasi lala beegsadanyo Masuuli yiinta DFS iyo Saraakiisha Ciidamada.

    Shabaabka ayaa u muuqdo kuwa weeraradii tooska iyo is qarxinta u bedelay qaraxyada la dhigo waddada dhinaceeda, xilli waxyeelada ay qaraxyadaasi gaysanayaan ay muuqato.

Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Soo Gaaray M/ Muqdisho Iyo Qorshe Socda

       Gelinkii dambe ee Shalay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga oo ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xar unta Gobolka Baay.

Socdaalka Madaxwey ne Cabd icaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ee Caasimadda ayaa  yi mid, iyada oo weli ay so cdaan dadaalo isaga iyo Beesha Caalamka isla wadaan oo ku saabsanaa arrinta xal u helida is mari waaga ka taagan doorashada dalka ka dha ceysa 2021.

     Sidoo kale safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la xiriira diyaarinta shir wadatashi ah oo looga hadli doono xal u helida khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada oo la filayo in la isugu keeno dhinacyada ay quseyso hirg elinta doorashada.

     Madaxda Dowlad Goboleedyada habeen hor ey wada-hadalo saacado qaatay ku yeeshay khadka taleefanka, iyagoo isu soo dhowaansho ka muujiyay aragtiyadii kala foggaa, iyadoo shir ka la filayo in dhammaadka bishan shir la isugu yimaado.

     Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la hirgelinayo doorashada dhacey sa, waxaana Musharaxiinta Madaxweynaha ay digeen in qabto doorasho ay maqan yihiin maa

mulada Puntland iyo Jubbaland.


Xildhibaan Zakariye oo ka digay arrin halis ah oo kasoo socota ITOOBIYA

      Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa umadda Soo maaliyeed ugu baaqay iney ka feejignaadaan qatar ka imaan karta colaadda ka socota dalka Itoobiya.

     Xildhibaanka wuxuu iska bari yeelay inuu colaad hurin ayo, balse uu doonayo kaliya iney Soomaal ida aayahe eda ka fakarto, sameys ana isku duubnaan iyo midnimo ka dhan ah qa tar walba oo ku imaan karta.

   Isagoo la hadlayay TV-ga Universal ayuu she egay iney arintaan keeneyso fursad ay helaan deegaanada Soomaalida ay leeyahiin ee hoos taga wadamada aan dariska nahay ee Kenya iyo Itoobiya.

       "Waa in laga tashado sidii looga hartagi lahaa qatarta, xaaladahaan oo kale marka ay dhacaan dalalka waxa ay sameeyaan qorsho oyin ay ka mid yahiin in dadka la isku keeno, si doo kale la isku keeno culumada, Jamhuuriyad da oo kaliya maahan balse waa in aysan maqn aan dhulka Soomaalida ka maqan & Jabuuti si dhibka wadajir looga fogaado,” ayuu yiri Xil dhibaan Zakariye.

      Dhanka kale, xildhibaanka wuxuu dadka tus iyay in qowmiyadaha Itoobiya oo ay midba mar xukunka qabato ay ka siman yahiin fikirka ay ka qabaan Soomaalida, sidaasna laga doonayo Soomaalida.

Guddoomiye Mahad Cawad Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

       Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa duhu rnimadii Shalay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Od ayaal dhaqameed la

     sheegay inay ka yimideen deegaan ka tirsan Gobolka Mudug.

Odayaasha la toogtay oo laba ahaa ayaa waxaa lagu kala ma gacaabi jiray Axmed Suldaan Muxumud suldaan iyo Naba doon Axmed Cabduqaadir Fiqu, isla markaana waxaa la dilay iyaga oo ku sugan Suuqa Bak aaraha.

     Warar la helayo ayaa sheegaya in Odayaa sha ay ka yimideen dhinaca deegaanka Bacaa dweyn ee Gobolka Mudug, waxaana ka hadlay falkaas Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Mahad Cabda lla Cawad.

     Qoraal uu soo saaray Mahad Cawad ayuu ku sheegay in Odayaasha la dilay ay kamid aha ayeen dad horey u diiday inay ku shaqeeyaan amar kasoo baxay Al-shabaab, hayeeshee xili Shalay ay ku sugnaayeen Suuqa Bakaaraha la toogtay.

     "Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelka Axmed Suldaan Muxumud suldaan Aadan iyo Nabadoon Axmed sh Abdullahi Fiqu cumar oo ahaa odayaal dhaqan oo lagu dilay Muqdisho Shalay iyaga oo ahaa dadkii hore u diiday inay ku shaqeeyaan amarka Al-Shabaab” ayuu yiri Mahad Cawad.

     Dilka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa ku soo aadaya, iyadoo Shalay gudaha Suuqa deg mada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaq aano Minishiibiyada.

Muxuu Yahay Ujeedka Loo Aas-Aasay Mada sha Qurbo-Joogta Beelweynta Muddullood?

     War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Qurbo-joogta Beelweynta Muddullood ee MUQ DISHO PRINCIPLE ayaa lagu faah faahi yey uj eeedooyin loo aas-aasay madashan iyo how laha shaqo ay qaban doo nto

  Qoraalka Madasha ay aa waxaa lagu sheegay marka hore in Mada sha loo aas-aasay maamul u sameeynta Gobolkaan Banaadir iyo sidii loo hor umarin lahaa dhammaan deegaanada Beelw eynta Muddullood.

     Madasha ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ka dhabeynta hadafkeeda oo ah inay horumar la taaban karo gaarsiiso dadka kunool Gobolka Banaadir, iyagoona caddeeyay in Muqdisho Principle marnaba aysan wax shaqo ah ku la heyn dadka isku haaya siyaasadda dalka.

     Ugu dambeyn War-saxaafadeedka kasoo ba xay Madasha Qurbo-joogta ayaa looga digay wararka been abuurka ee ku wajahan ujeedoo yinka loo aas-aasay madasha oo ah maamul u sameeynta Gobolka Banaadir.

      Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha.

      Ujeedooyinka iyo wax qabadka madasha qu rba joogta mudulood ee muqdisho principle.

Madasha waxaa la’aasaasay 25 bishii Feb 2020 ka dib shirweynihii mudulood oo ka dhacay muq disho bilowga bisha Febrauary halkaas uu qud bad xasaasi ah ka jeediyey Mudane Cali Mahdi oo meelo badan taabaneeysay .

      Madasha waxaa loo aasaasay dhisida maa mul usameynta gobolka Banaadir iyo horumarin ta deegaanada mudulood.

       Madasha waxay ka kooban tahay : Indheer garad,odayaal,haween,aqoon     yahano,culumaaudiin iyo dhalinyaro isku bahey satay ka dhabeynta ujeedooyinka madasha Mudulood.

       Madasha qurba joogta mudulood ee muqdi sho principle ayaa tan iyo inteey dhisneed ku tal aabsatay guul wax ku ool ah oo aan la’dafiri ka rin sida: shirweynihii beesha mudulood ee looga arrinsaday maamul usameynta gobolka banaa dir iyo horumarinta deegaanada mudulood. Mad asha waxaa ka go’an iney ka dhabeyso hadafke eda oo ah iney gaarsiiso horumar la’taaban karo dadkeeda oo ah canshuur bixiyayaasha ugu ba dan illaa markii la’aasaasay jumhuuriyada Soo maaliya.

      Waxaan cadeyneynaa in Muqdisho Principle aanay marnabo shaqo ku laheyn la kala safa shada qolyaha siyaasada isku haayo.

Madashu waxay ka digeysaa faafinta been abu ur kasto oo ku wajahan ujeedooyinka loo abuur ay madasha.

       Madasha waxa gacmo furan ku soo dhawe yneysaa dhamaan walaalaha daneynaayo wax qabadka madasha muqdisho principle.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Ku Ridday Askari Horay Dil U Geeystay

     Maxkamadda Ciidamaa Qalabka Sida, qey bteeda 60-aad, ee deeganada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xukun ku riday Askari, horay u dilay qof shacab ah .

     Eedeysane Cismaan Ibraahim Cabdi oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo eedeyay in uu horay dil ugu geeystay qof shacab ah , xilli uu ku sugnaa maga alada Beeydhabo .

Markii ay soo dhamaatay dhageeys iga gal dacwadeedka eedeysanaha, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalab ka qeeybta 60-aad Gaashaanle sare Aadan Abu ukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay in Cismaan Ibraahim lagu xakumey dil toogasho.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale Qeybaha kala duwan ee ciiidamada qalabka sida uga digay in ay wax yeeleyaan shacabka deeganada maamulkaas

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degm ada Raage-Ceelle

       Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMIS OM ayaa lagu soo warramayaa inay dib ula wa regeen gacan ku heynta degmada Raage-Cee lle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay Shalay weerar ku qabsatay kooxda Al-Sha baab.

     Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huw anta ay gudaha u galeen degmada, kadibna ay dagaalyahanada Al-Shabaab oo muddo kooban ku sugnaa halkaasi ay isaga baxeen.

    Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale in noo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa dadka & ganacsiga.

     Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ha atan howl-gallo ka wadaan duleedka degmada Raage-Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.

     Raage-Ceelle ayaa lixdii sano ee la soo dha afay ka caaganeyd weerarada Al-Shabaab, wax aana gacanta ku hayey ciidamada Xoogga dal ka & kuwa AMISOM.

      Si kastaba dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaaf ay kooxda Al-Shabaab ay culeys xoogan saar tay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cidda sugeysa Amniga doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

      Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay cidda sugeysa amniga doo rashooyinka Soomaaliya, in kastoo weli aan wax xal ah laga gaarin muranka doorashooyinka.

      Afhayeenka Ciidamada Boolis ka Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in aysan jirin xa run khasaas ah oo Booliska Soo maliya ay sitoos ah u maamulayaan, hayeeshee ay jiraan gudiyo isku dhaf ah oo ka kala socda dow ladda federaalka & dowlad goboleedyada.

      Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Heer Federaal & Heer Dowlad goboleed ay siwada jir ah isaga kaashan doonaan sugida Amniga deg aannada dowlad goboleedyada & gobolka Banaa dir oo ay ka dhacayaan doorashooyinka.

      Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay gud diga amniga doorashooyinka, kaas oo uu Madax u yahay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay u sugaan Amniga doorashooyinka dalka.


Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

    Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa she egaya in Habeen hore uu ka dhacay weerar loo adeeg sa day qarax, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka ti rsan kuwa ammaanka Puntland.

      Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa lagu soo war amayaa in ciidamada lala eegtay, xilli ay howl-gal ka wadeen magaaladaasi, gaar ahaan agagaarka skuulka Cumar Samatar.

     Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxa asi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

     Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa baarita ano dheeraad ah qarax, kaddib ka sameeyey xaa fado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

     Mudddooyinkii la soo dhaafay waxaa Gaalk acyo dhinacyadeeda koonfur & waqooyi ka dhac ayey falal ammaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Jubaland oo isu dhiibay DF iyo xog ay bixiyeen

     Ciidamo uu hoggaaminayo Taliyihii ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee magaalada Dhoobley Daa’uud Macalin Gaab ayaa iska dhiibay magaa lada Baardheere ee gobolka Gedo.

     Maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda federaalka ayaa Shalay warbaa hinta u soo bandhigay ciidamadaas, waxaa na warbaahinta la hadlay taliyihii hoggaaminayey    Daa’uud Macalin oo ka sheegeeyey sababta ay uga soo bexeen Jubbaland.

     Waxa uu sheegay in markii ay ka soo baxeen Dhoobley ay xoog ku soo dhex mareen illaa 15-magaalo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kadib markii sida uu sheegay ay madaxda Jubbaland ku amreen inuu ciidankiisa ka dagaal geliyo xuduuda Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

      Sarkaalkan waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa askartii qabsatay 10-sano ka hor magaalada Kismaayo, waa intii aan la aas-aasin maamulka Ju bbaland, balse maamulkii uu intaas la shaqeyna yey uu hadda ka diiday inuu dagaal kala hor tago ciidamada ay dowladda federaaku geysay Ge do."30-sano ayey Soomaaliya burbur iyo qalalaase ku soo jirtay, Shalay oo calankeedii uu taagan ya hay, in askar Soomaaliyeed lagu abaabulo gudaha dalka Kenya, si ay ula dagaalamaan oo looga hor geeyo calankii Qaranka, waa noo suurta geli waa yey fikirkaas,” ayuu yiri Taliye Daa’uud Macalin.

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay Xeebaha Libya

      Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay xeeb aha Liibiya laga soo badbaadiyay in ka badan 350 qof oo muhaajiriin ah, sida ay sheegtay Hay’adda gar gaarka, SOS Mediterranee.

      Waxay ha’yadda she egtay in ku dhawaad tir ada dadkaas ay kala bar yihiin carruur, kuwaasi oo aan badankood dad la socon, afar carruur oo aad u yar yarna ay ku jiraan.

Dadkan ayaa la sheegay in laga soo badbadiyay afar doomood oo ku qalibmay meel 50-kilomitir u jirta xeebta Liibiya. Intooda badan muhaajiriintan waxay ka kala yimaadeen waddamada Guinea, Suudaan iyo Sierra Leone.

Garoonka Diyaaraha Baqdaad oo gantaallo lagu garaacay

      Milatariga Ciraaq ayaa Shalay sheegay in sed dex gantaal lagu garaacay garoonka diyaaradaha Baqdaad, seddex maalmood uun ka dib markii mag aalada caasimada ah ay ka dhaceen laba qarax oo ismiidaamin ahaa.

     Weeraradaan gantaalada ah ayaa ku dhacay ban aanka garoonka diyaaradaha, sida lagu sheegay bay aan kasoo baxay Dowlada Ciraaq, iyada oo Mid ka mid ah gantaalada uu ku dhacay guri ku yaal agaga arka degmada Al Jihaad isla markaana uu waxyeello u geysatay dhisme halkaaso ku yaalay.

     Lama soo sheegin wax dad ah oo waxyeelo kasoo gaartay, dhanka kalane Ma jirto ilaa iyo hadda koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan lagu qaaday garoonka diyaaraha Dalka Ciraaq.

Jicmicihii aan kasoo gudubnay, ruux iskusoo xiray walxa qarxa  ayaa suuq ku yaal bartamaha magaal ada baqdaad  isku qarxiyay, halkaasi oo ay ka dha seen dhimashada 32 qof iyo dhaawaca inka badan 110 ruux. waxaa masuulayada waxaa sheegtay ko oxda Daacish.

Booliska Ruushka oo Xirxiray Dad Dibad-baxayaal ah

      Booliska dalka Ruushka ayaa tiro dad ah xabsiga u taxaabay kaddib markii dibadbaxyo xooggan ay ka billowdeen guud ahaan dalkaas ay ugu horreyso ma gaalada Mosco ee caasimadda dalkaas.

Dibadbaxyada ayaa lagu taageerayaa Alexei Navalny oo ah siyaasi mucaarad ah kaas oo ku xiran dalkaas.

Booliska ayaa kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay gobolka bariga ku yaalla ee Khabarovsk xilli dadka digniin lagu siiyay in guryahooda ay joogaan.

Qaar kamid ah kalkliyeyaasha Alexei Navalny ayaa la xiray oo ay kamid tahay haweeney afhayeen u aheyd iyo qof kale oo kamid ah qareennadiisa.

Navalny waa siyaasi si weyn u dhaliila siyaasadda madaxweyne Putin.

Taageerayaasha siyaasigan ayaa ku baaqay in dibadbaxyo ballaaran laga dhigo guud ahaan Ruushka.

Sidoo kale olole ay taageerayaashu ka dhex bilaabeen baraha bulshada ayaa saameeyay ilaa 60 magaalo oo ku yaalla dalkaas

44 jirkan ayaa la xiray Axaddii kaddib markii uu dib uga soo laabtay dalka Jarmalka oo lagaga dabiibay xanuun la sheegay in uu ka dhaxlay qorshe lagu sumeynayay.Intii aan xabsiga loo taxaabin hoggaamiye Navalny AAxaddii la soo dhaafay ayuu sheegay in maamulka Mosco uu la damacsanyahay xarig la doonayo in lagu aamusiiyo isaga waxa uuna taageerayaashiisa ugu baaqay in ay dibadbaxyo waaweyn ka dhigaan dalka

QM oo ka walaacsan Kufsi baahsan oo ka jira deegaanka Tigray-ga.

     Eedeymo culus oo kufsi baahsan ah ayaa laga soo sheegay gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya, gaar ahaan xaruntiisa Maqale, sida ay sheegtay erg eyga Qaramada Midoobay u qaabilsan tacaddiyada galmada ee goobaha dagaalka, Pramila Patten.

Ciidamada federaalka ee Itoobiya ayaa 28-kii Nofem bar 2020 gacanta ku dhigay magaalada Maqale, kadib dagaal dhowr todobaad socday.

      "Waxaa soo baxaya warar argagax leh oo sheega ya in dad qoys ah lagu armay inay isu galmoodaan, haddii kale dhibaato loo geysanayo,” ayay sheegtay Pramila Patten oo war qoraal ah ka soo saartay xaaladda gobolkaas.

      Waxa ay intaa raacisay inay jiraan warar sheega ya in dumarka qaar lagu qasbay inay galmo la same eyaan askarta milateriga ah si ay u helaan waxya abaha asaasiga u ah noolasha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip