Goobjooge ka sheekeeyay dhacdo naxdin leh, ka dib qaraxii Muqdisho

0
Saturday January 23, 2021 - 21:16:56 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobjooge ka sheekeeyay dhacdo naxdin leh, ka dib qaraxii Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ninkan oo ka ag-dhawaa goobtii uu ka dhacay qaraxii maanta Magaalada Muqdisho lagula eegtay laba Xildhibaan oo hore ayaa ka sheekeeyay dhacdo argagax leh.

Gaari ay la socdeen Ex Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax iyo Ex Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan ayaa qaraxan lagula eegtay Wadada Beexaani ee Degmada Shibis.

Goobjoogaha ayaa marka hore sheegay in xilligii uu qaraxu dhacaayay uu gurigooda ku jiray, isla-markaana uu ku soo baxay jugtii xooganeyd ee qaraxa.

Waxaa uu sheegay in uu bannaanka ku arkay uuro, boor iyo gaarigii la beegsaday oo wadada dhinaceeda wa-xoogaa ka baxay, afkana ku haya darbiga, isla-markaana uu gaariga ka soo degay Ex Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax, waxaa uu intaa ku daray in uu gartay in ninkaasi uu yahay Ex Xildhibaan Afrax, uuna u degay, waxna ka weydiiyay sida ay wax u gaareen, waxa uu intaa ku daray dadkii gaariga la socday in ay dibadda uga soo baxeen oo keliya Afrax iyo hal askari. Kuwii kale ayuu sheegay inay gaariga gudahiisa ku jireen, maskaxdoodana ay laamiga taalay, askari kalena uu dhulka yaalay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaariga gudahiisa uu ku arkay Ex Xildhibaan Xuseen Caraale, oo xaaladiisa uu ku sheegay inay ahayd mid culus.

Gaari uu leeyahay Booliska Degmada Kaaraan ayuu sheegay inay ku qaadeen dadkii dhaawacyada daran qabay, oo ay ku jiraan darawalkii gaariga oo afka hore ka go’naa, nin askariya oo xaaladiisa ay aad u liidatay iyo Ex Xildhibaan Xuseen Caraale.

Goobjoogaha oo la hadlay BBC ayaa xusay in Ex Xildhibaan Afrax ay faraha oo keliya wax ka soo gaareen iyo in uu goobta ku arkay meydadka saddex askari oo ilaaladii la socotay ah.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa horey ka sheegtay masuuliyadda qaraxan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho waxaa in dhawaalaba ku soo badanayay qaraxyada la dhigo hareeraha wadooyinka, ee markaasi lala beegsadanyo Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwa weeraradii tooska iyo is qarxinta u bedelay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, xilli waxyeelada ay qaraxyadaasi gaysanayaan ay muuqato.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip