Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Iyo Qorshe Socda

0
Saturday January 23, 2021 - 21:09:51 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Iyo Qorshe Socda

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Gelinkii dambe ee Maanta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga oo kasoo ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ee Caasimadda ayaa yimid, iyada oo weli ay socdaan dadaalo isaga iyo Beesha Caalamka isla wadaan oo ku saabsanaa arrinta xal u helida is mari waaga ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa 2021.

Sidoo kale safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la xiriira diyaarinta shir wadatashi ah oo looga hadli doono xal u helida khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada oo la filayo in la isugu keeno dhinacyada ay quseyso hirgelinta doorashada.

Madaxda Dowlad Goboleedyada habeen horey wada-hadalo saacado qaatay ku yeeshay khadka taleefanka, iyagoo isu soo dhowaansho ka muujiyay aragtiyadii kala foggaa, iyadoo shirka la filayo in dhammaadka bishan shir la isugu yimaado.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la hirgelinayo doorashada dhaceysa, waxaana Musharaxiinta Madaxweynaha ay digeen in qabto doorasho ay maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip