Xog: Dowladda oo shuruud ku xirtay wada-hadal ay la furto Puntland iyo Jubaland

0
Sunday January 24, 2021 - 07:30:36 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Dowladda oo shuruud ku xirtay wada-hadal ay la furto Puntland iyo Jubaland

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay shuruud ku xireyso inay ku dhowaaqdo shir la isugu yimaado oo xal loogu raadinayo is-maro waagan taagan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay ku adkeysaneyso in Puntland iyo Jubaland ay marka hore ku dhowaaqaan guddiyada doorashada ee ay diidan yihiin, si wada-hadal u furmo.

Labadan maamul ayaan weli magacaabin guddiyada doorashada heer gobol. Waxay sidoo kale diideen inay Muqdisho usoo diraan guddiyada doorashada heer federal ee ay horey u magacaabeen, kadib markii ay ku eedeeyen dowladda federaalka inay guddiyada heer federal kasoo buuxisay saraakiil sirdoon ah.

Shuruudda cusub ee dowladda ayaa imaneysa ayada oo lagu wado in madax goboleedyada ay shir isugu yimaadaan, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in go’aanka dowladda uu shirkaas baajiyo, maadaama inta aan la gaarin ay dowladda istaagtay mowqif adag.

 

Xubno ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxtooyada ay diyaar u tahay in xubnaha cabashada laga qabo ay ka saarto guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, haddii Puntland iyo Jubaland ay soo magacaabaan guddiyada, ayada oo labadan maamulna ay ku adkeysanayaan in marka hore xubnaha doodda laga qabo laga saaro guddiyada.

Arrintan kale ee muranka uu ka taagan yahay oo ah ciidanka dowladda ee jooga Gedo, waxaan xog ku heleynaa in madaxweyne Farmaajo uusan marnaba aqbali doonin inuu yeelo shuruudda Axmed Madoobe ee ah in ciidankaas lasoo saaro.

Dhammaan caqabadahan ayaa ka dhigaya in xalka ugu dambeeya uu ku jiro gacanta beesha caalamka, ayna saamileyda siyaasadda Soomaaliya sugayaan amar uga yimaadaan halkaas, laguna kala saaro.

Xog: Dowladda oo shuruud ku xirtay wada-hadal ay la furto Puntland iyo Jubaland


XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip