Yaa ka dambeeya beegsiga lagu hayo siyaasiyiinta beelaha dega Muqdisho?

0
Sunday January 24, 2021 - 07:20:39 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ka dambeeya beegsiga lagu hayo siyaasiyiinta beelaha dega Muqdisho?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga cidda ka dambeysa beegsiga siyaasiinta u dhashay magaalada Muqdisho oo todobaad gudihiis laga dilay ku dhowaad 20 qof, kuwaas oo sagaal ka mid ah dhinteen shalay kaliya.

Musiibooyinka u gaarka ah dadka Muqdisho iyo hal-doorkooda ayaa soo jiray sanadihii la soo dhaafay, hase yeeshee waxay dhibaatada ugu xooggan ay billaabatay markii toddobaadkaan qarax lagu dilay maamulkii deggaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho iyo dad la socday, kuwaas oo ah dhallinyaro waxbaratay oo ka soo jeeda Muqdisho.

Maalin kadib waxaa qarax Miino oo halis ah ka bad-baaday guddoomiyaha degmada Yaqaashiid oo isagana ka tirsan aqoonyahaanka Muqdisho u dhashay. Iyadoo arrintaas ay wal wal abuurtay ayaa haddane la toogtay guddoomiyaha degmada Hodan inkastoo aan wali la caddeynin sida uu kiiskaan u dhacay.

Allah ha u naxariistee Maxruum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa shalay la aasay waxaase ku xigtay in shalay qarax lala eegtay masuuliyiin ka tirsan Mudullood, gaar ahaan Muxuyadiin Xasan Afrax, iyo Xuseen Caraale Caddaan oo labadooda ka tirsanaa baarlamaanka hore ee Soomaaliya, hadana ka mid ah siyaasiinta Mudullood ee miisaanka leh.

 

Qaraxaas waxaa ku dhintay 4 qof oo ciidan ah. Sidoo kale shalay oo kaliya waxaa Muqdisho dilal loogu geytay 5 qof oo shacab iyo ciidan isugu jira, taas oo wadarta geerada ka dhigeysa 9 qof iyo 4 dhaawac ah oo ay ku jiraan mus’uuliyiin, kuwaas oo dhamaantood isku heyb ah ama u dhashay Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu ku socdo beegsi toos ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in shaarka Al-Shabaab lagu beegsanayo hal-doorada Muqdisho.

Yaa ka dambeeya beegsiga lagu hayo siyaasiyiinta beelaha dega Muqdisho?


XIGASHO:CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip