Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

0
Saturday January 23, 2021 - 22:18:24 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Shil gaari ayaa ka dhacay gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Gaari nooca raaxada ah iyo mid kale oo Cabdi bile ahaa ayaa isku dhacay oo uu shilkaas ka dhashay, waxaana uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Xarunta dowladda hoose ee Magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in gaariga Cabdi bilaha uu ku socday si xawaare sare ah uuna ku dhacay midka yar, isla markaana waxaa ku dhaawacmay Haweeney saarneyd gaariga raaxada ah, iyadoo Darawalkii waday uu ka badbaaday.

Dad goobta ka agdhawaa ayaa gurmad u sameeyay Haweeneyda uu dhaawaca soo gaaray, waxaana si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb, si xaaladeed Caafimaad loogu dabiibo.

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaasi oo ku dhashay siyaabooyin kala duwan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip