Muxuu Yahay Ujeedka Loo Aas-Aasay Madasha Qurbo-Joogta Beelweynta Muddullood?

0
Saturday January 23, 2021 - 21:09:06 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Ujeedka Loo Aas-Aasay Madasha Qurbo-Joogta Beelweynta Muddullood?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Qurbo-joogta Beelweynta Muddullood ee MUQDISHO PRINCIPLE ayaa lagu faah faahiyey ujeeedooyin loo aas-aasay madashan iyo howlaha shaqo ay qaban doonto.

Qoraalka Madasha ayaa waxaa lagu sheegay marka hore in Madasha loo aas-aasay maamul u sameeynta Gobolkaan Banaadir iyo sidii loo horumarin lahaa dhammaan deegaanada Beelweynta Muddullood.

Madasha ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ka dhabeynta hadafkeeda oo ah inay horumar la taaban karo gaarsiiso dadka kunool Gobolka Banaadir, iyagoona caddeeyay in Muqdisho Principle marnaba aysan wax shaqo ah ku laheyn dadka isku haaya siyaasadda dalka.

Ugu dambeyn War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Qurbo-joogta ayaa looga digay wararka been abuurka ee ku wajahan ujeedooyinka loo aas-aasay madasha oo ah maamul u sameeynta Gobolka Banaadir.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha.

Ujeedooyinka iyo wax qabadka madasha qurba joogta mudulood ee muqdisho principle.

Madasha waxaa la’aasaasay 25 bishii Feb 2020 ka dib shirweynihii mudulood oo ka dhacay muqdisho bilowga bisha Febrauary halkaas uu qudbad xasaasi ah ka jeediyey Mudane Cali Mahdi oo meelo badan taabaneeysay .

Madasha waxaa loo aasaasay dhisida maamul usameynta gobolka Banaadir iyo horumarinta deegaanada mudulood.

Madasha waxay ka kooban tahay : Indheer garad,odayaal,haween,aqoon yahano,culumaaudiin iyo dhalinyaro isku baheysatay ka dhabeynta ujeedooyinka madasha Mudulood.

Madasha qurba joogta mudulood ee muqdisho principle ayaa tan iyo inteey dhisneed ku talaabsatay guul wax ku ool ah oo aan la’dafiri karin sida: shirweynihii beesha mudulood ee looga arrinsaday maamul usameynta gobolka banaadir iyo horumarinta deegaanada mudulood. Madasha waxaa ka go’an iney ka dhabeyso hadafkeeda oo ah iney gaarsiiso horumar la’taaban karo dadkeeda oo ah canshuur bixiyayaasha ugu badan illaa markii la’aasaasay jumhuuriyada Soomaaliya.

Waxaan cadeyneynaa in Muqdisho Principle aanay marnabo shaqo ku laheyn la kala safashada qolyaha siyaasada isku haayo.

Madashu waxay ka digeysaa faafinta been abuur kasto oo ku wajahan ujeedooyinka loo abuuray madasha.

Madasha waxa gacmo furan ku soo dhaweyneysaa dhamaan walaalaha daneynaayo wax qabadka madasha muqdisho principle.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip