Larry King, weriyihii caanka ahaa oo geeriyooday

0
Saturday January 23, 2021 - 17:48:50 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Larry King, weriyihii caanka ahaa oo geeriyooday

    Larry King, weriyihii caanka ahaa ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa ku geeriyooday isla Mareykanka isagoo da'diisu tahay 87. Larry ayaa ku geeriyooday gobolka Los Angeles, waxaana sida ay xaqiijisa shirkadda Ora Media oo uu kamid ahaa asaasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Larry King, weriyihii caanka ahaa ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa ku geeriyooday isla Mareykanka isagoo da'diisu tahay 87. Larry ayaa ku geeriyooday gobolka Los Angeles, waxaana sida ay xaqiijisa shirkadda Ora Media oo uu kamid ahaa asaasayaasheeda uu ku geeriyooday isbitaalka Cedars-Sinai Medical Center. Muddo 60 sano ayuu ku jiray mihnadda saxaafadda, 25 sanoo oo kamid ahna wuxuu u shaqeynayay warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku qaban jiray barnaamij loogu magac daray. Intii uu saxaafadda ku jiray, Larry wuxuu wareystay shakhsiyaad caan ah sida hogaamiyeyaal siyaasadeed, jilayaal iyo ciyaartooy caan ka ah dunida.
.

Larry oo wareysanaya madaxweynihii ee USA, Clinton

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa kusoo warramaya in Larry la dhigay isbital kadib markii uu ku dhacay feyraska corona. Larry ayaa la sheegay sanadihii dambe uu xanuunsanaa, marna laga qabtay wadnaha.

Larry King ayaa caan noqday toddobaatameeyadi, xilligaas oo uu kusoo caan baxay barnaamijkii la oran jiray "The Larry King Show". Sanadihii 1985 ilaa 2010 wuxuu barnaamij daadihiye ka ahaa telefishenka CNN, waxaana labaatankii sano ee lasoo dhaafay uu maqaalo ku qori jiray wargyesyo uu kamid yahay USA Today.

Sanadihii dambe waxaa uu Larry barnaamijyo isaga loogu magac daray u ka qaban jiray telefisheno uu kamid yahay RT oo ah warbahin ay leedahay dowladda Ruushka.

.

Larry oo wareysanaya Tom Cruise

XIGASHO BBC SOMALIA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip