Guuleed" Dowladda Federaalka Soomaaliya Amniga Guud ee dalka ayay dayacday"

0
Saturday January 23, 2021 - 17:14:19 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuleed" Dowladda Federaalka Soomaaliya Amniga Guud ee dalka ayay dayacday"

    Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed kana mid ah Xubnaha Midowga musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dayacay amniga Guud ee dalka. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in maalmih

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed kana mid ah Xubnaha Midowga musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dayacay amniga Guud ee dalka. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay xoogeyteen lalka kooxaha argagixisadaha ah, isla markaana Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ay ku mashquuleen arrimaha siyaasadda iyo doorashada. Ugu dambeyn Cabdi Kariin guuleed ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.


 Hoos Ka Akhriso Qoraalka Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah. Waxaan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo waa iney cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira. Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka. Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip