Dowladda Afrikada Dhexe oo Xaalad Deg deg ah Ku Dhawaaqday

0
Saturday January 23, 2021 - 17:09:35 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Afrikada Dhexe oo Xaalad Deg deg ah Ku Dhawaaqday

    Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah xilli ciidamadeed iyo kuwa Qaramada Midoobay ay la dagaallamayaan jabhado ku soo siqaya caasimadda Bangui, kuwaas oo doonaya in ay la wareegaan awoodda dalkaas. Xoogagga la dagaallam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah xilli ciidamadeed iyo kuwa Qaramada Midoobay ay la dagaallamayaan jabhado ku soo siqaya caasimadda Bangui, kuwaas oo doonaya in ay la wareegaan awoodda dalkaas. Xoogagga la dagaallamaya dowladda oo hadda gacanta ku haya saddex meelood oo meel dalkaas ayaa hareereeyay caasimadda Bangui. Jabhadaha ayaa diiddan natiijada doorashadii dhacday bishii hore oo uu mar labaad ku guulaystay Madaxweyne Faustin Archange Touadéra. Dowladda ayaa Madaxweynihii hore François Bozizé, oo loo diiday tartanka ku eedaysay in uu ka dambeeyo rabshadaha sii xoogeysanaya. François Bozizé oo xukunka waddankaas qabtay 2003 afgembina looga tuuray 2013 ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Hay'adda Unicef ayaa sheegtay in colaadda oo socotay tan iyo bishii Disembar ay si toos ah u saameysay in ka badan 200,000 oo dad rayid ah, iyadoo kala bar dadkaas aanay weli dib ugu laaban guryahooda. Xaaladda degdeg ah ee waddankaas la geliyay ayaa socon doonta muddo 15 maalmood ah, sida uu sheegay afhayeenka dowladda, Albert Yaloke Mokpeme.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip