QM oo ka walaacsan Kufsi baahsan oo ka jira deegaanka Tigray-ga.

0
Saturday January 23, 2021 - 17:08:10 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo ka walaacsan Kufsi baahsan oo ka jira deegaanka Tigray-ga.

    Eedeymo culus oo kufsi baahsan ah ayaa laga soo sheegay gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya, gaar ahaan xaruntiisa Maqale, sida ay sheegtay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan tacaddiyada galmada ee goobaha dagaalka, Pramila Patten. Ciidamada fe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eedeymo culus oo kufsi baahsan ah ayaa laga soo sheegay gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya, gaar ahaan xaruntiisa Maqale, sida ay sheegtay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan tacaddiyada galmada ee goobaha dagaalka, Pramila Patten. Ciidamada federaalka ee Itoobiya ayaa 28-kii Nofembar 2020 gacanta ku dhigay magaalada Maqale, kadib dagaal dhowr todobaad socday. "Waxaa soo baxaya warar argagax leh oo sheegaya in dad qoys ah lagu armay inay isu galmoodaan, haddii kale dhibaato loo geysanayo," ayay sheegtay Pramila Patten oo war qoraal ah ka soo saartay xaaladda gobolkaas. Waxa ay intaa raacisay inay jiraan warar sheegaya in dumarka qaar lagu qasbay inay galmo la sameeyaan askarta milateriga ah si ay u helaan waxyaabaha asaasiga u ah noolasha. "Xarumaha caafimaadka ayaa tilmaamaya inay kordheen dadka codsanaya dawooyinka dhalmada looga hortago, iyo shakhsiyaadka iska baaraya cudurrada galmada lagu kala qaado, arimahaas oo astaan u ah tacaddiyada galmada ee dhaca xilliyada colaada," ayay hadalkeeda raacisay Patten. Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sidoo kale ay kordheen wararka sheegaya in tacaddiyo galmada ah lala beegsado dumarka iyo hablaha ku nool tiro xeryaha qaxootiga ah. Waxa ay ugu baaqday dhinacyada dagaallamaya inay hirgeliyaan hannaan si buuxda looga hortagayo tacaddiyada galmada ku salaysan. Ra'iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa 4-tii Nofember 2020 weerar cirka iyo dhulka ah ku qaaday gobolka Tigray si uu meesha uga saaro xisbiga TPLF ee hogaanka u hayay dalkaas muddo 27 sano ah. Duulaanka ka hor xooggaga TPLF ayaa weeraray oo qabsaday saldhig milateriga Itoobiya uu ku leeyahay gobolka Tigray. Abiy ayaa sheegay in lagu guulaystay duulaanka Tigray kadib markii uu bil socday, balse hogaanka TPLF oo hadda baxsad ah ayaa wacad ku maray inay qaadayaan dagaallo jabhadeyn ah.

Xigasho:BBCSomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip