Boqollaal Ka Tirsan Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka oo Laga Helay Covid-19

0
Saturday January 23, 2021 - 17:06:52 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqollaal Ka Tirsan Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka oo Laga Helay Covid-19

    150 ilaa 200 oo askari oo ka tirsan ilaalada Qaranka Mareyknaka oo magaalada Washington loo geeyay sugidda ammaanka xafladda caleema-saarka Madaxweyne Joe Biden ayaa laga helay xanuunka faafa ee Korona Feyras, sida uu Jimcihii sheegay Sarkaal katirsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

150 ilaa 200 oo askari oo ka tirsan ilaalada Qaranka Mareyknaka oo magaalada Washington loo geeyay sugidda ammaanka xafladda caleema-saarka Madaxweyne Joe Biden ayaa laga helay xanuunka faafa ee Korona Feyras, sida uu Jimcihii sheegay Sarkaal katirsan ciidamada Mareykanka. Waaxda ilaalada Qaranka ayaa bayaan ka soo bxay lagu sheegay in ciidamadan lagu sameynayey baaritaanno guud iyadoona xoogga lagu saarayey baaritaanka Korona laga helay tiro u dhaxeysa 150 ilaa 200 oo askari maadaama la raacayey hab-raaca ay soo saartay xarunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka. Dowladda mareykanka ayaa ku soo rogtay Washington tallaabooyin aan horay loo arag oo dhanka ammaanka ah kaddib weerarradii khsaaraha badan dhaliyay ee January 6-deeda ka dhacay Washington oo ay geysteen taageerayaasha madaxweynihii doorashada looga adkaaday ee Donald Trump. Sarkaalka xaaladdani ka hadlay ayaa xusay in ay tirada ciidamada ee uu haleelay COVID-19 ay sare u kici karto balse hadda uu haleelay qeyb kamid ah 25,000 ee Washington la geeyay maamlmihii la soo dhaafay. Guud ahaan Mareykanka ayaa laga soo weriyay dhimashada in kabadan 4,000 oo qof maalintii labaad oo xiriir ah sida ay Reuters sheegtay, taas oo ka dhigan in tirada dadka Mareykanka ah ee u naf weyday xanuunkan ay sii cagacageyneyso 410,000 oo ruux. Milatariga dowladda Mareykanka ayaa sheegay in la diyaarinayo kumannaan askari oo la doonayo in dib loogu celiyo gobolladii laga keenay, waxaana sidoo kale lagu wadaa ilaa 15,000 oo kamid ah ciidamada Washington ku sugan dib looga saaro shanta ama tobanka maalmood ee soo aaddan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip