Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

0
Saturday January 23, 2021 - 17:05:35 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

    Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay weerar loo adeegsaday qarax, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland. Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa lagu soo wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay weerar loo adeegsaday qarax, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland. Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada lala eegtay, xilli ay howl-gal ka wadeen magaaladaasi, gaar ahaan agagaarka skuulka Cumar Samatar. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa baaritaano dheeraad ah qarax, kaddib ka sameeyey xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Mudddooyinkii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo dhinacyadeeda koonfur & waqooyi ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip