Baabuur ay la socdeen siyaasiyiin caan ah oo maanta lagu qarxiyey Muqdisho

0
Saturday January 23, 2021 - 17:03:36 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baabuur ay la socdeen siyaasiyiin caan ah oo maanta lagu qarxiyey Muqdisho

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiiyiin caan ah. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiiyiin caan ah. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka sarta Beexaani ee degmada Shibis, iyada oo warar kala duwan laga helayo khasaaraha ka dhashay miinadaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiyiinta Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba ah xildhibaano hore. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in siyaasiyiinta qaraxa lala beegsaday ay dhaawacyo soo gaareen, sidoo kalena ay geeriyoodeen 3 askari oo ilaalo u aheyd. Sida xogta ku helnay waxaa labada mas'uul daran oo uu dhaawac halis ah soo gaaray Xuseen Caraale iyadoo sidoo kale qaraxan uu ka bad-baaday Imaam Maxamed Yuusuf. Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laaamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi. Muqdisho waxaa beryihii dambe ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ah, kuwaas oo lala bartilmaameedsado xubnaha mas'uuliyiinta ah ee ku sugan gudaha caasimada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip