Cidda sugeysa Amniga doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

0
Saturday January 23, 2021 - 16:48:25 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidda sugeysa Amniga doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

    Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay cidda sugeysa amniga doorashooyinka Soomaaliya, in kastoo weli aan wax xal ah laga gaarin muranka doorashooyinka. Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay cidda sugeysa amniga doorashooyinka Soomaaliya, in kastoo weli aan wax xal ah laga gaarin muranka doorashooyinka. Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in aysan jirin xarun khasaas ah oo Booliska Soomaliya ay sitoos ah u maamulayaan, hayeeshee ay jiraan gudiyo isku dhaf ah oo ka kala socda dowladda federaalka & dowlad goboleedyada. Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Heer Federaal & Heer Dowlad goboleed ay siwadajir ah isaga kaashan doonaan sugida Amniga degaannada dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir oo ay ka dhacayaan doorashooyinka. Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay guddiga amniga doorashooyinka, kaas oo uu Madax u yahay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay u sugaan Amniga doorashooyinka dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip