Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

0
Friday January 22, 2021 - 20:17:31 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maanta alle ha u naxariisteen Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ka mid ahaa ganacsatada siweyn looga garanayo gayiga Soomaaliya.

Waxaa ku dhashay Baadiyaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, waxaana uu u soo wareegay magaalada Muqdisho isaga oo Lix sano jira ah sida uu ku sheegay wareysi hadda ka hor lala yeeshay.

Ganacsade Cabdi Xoosh ayaa isaga oo yar ka bilaabay magaalada Muqdisho ganacsi aan sidaa u buur-neyn sida iibinta Roodhiga iyo Mooska, isaga oo markii danbe u wareegay dhinaca ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed [Militariga] oo uu ka mid ahaa ku dhawaad 22 sano waxaana uu tababar u taggay dalka Rushka.

Militariga kaddib waxaa uu u wareegay dalka Saudi Arabia halkaasoo uu ka bilaabay socdaalkiisii ganacsiga, isaga oo ka soo sheeqeeyay dalal badan oo calaamka ah oo howlo ganacsi uu u taggay, hasse ahaatee waxaa uu markii danbe ganacsigiisa u soo wareejiyay magaalada Muqdisho uu ka hergaliyay ganacsiyo kala duwan, mashaariic, iyo dhismayaal caan ah oo ilaa iyo hadda ku suntay magaca ''Xoosh''

Xilligii 1970meeyadii Cabdi Xoosh wuxuu bilaabay ganacsi ballaaran oo la xiriira dhoofinta kheyraadka badda iyo guryaha hantida maguurtada ah, waxaa uu ganacsiga ku howlanaa ku dhawaad muddo 38 sano ah uu ku jiray jawi ganacsi gudaha dalka iyo dibada intaba.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip