Galmudug oo shuruud ku sii deysay Wariye-yaashii lagu xiray Dhuusamareeb

0
Friday January 22, 2021 - 20:26:34 in Wararka by
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo shuruud ku sii deysay Wariye-yaashii lagu xiray Dhuusamareeb

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maamulka Galmudug ayaa shuruud xabsiga uga sii daayay labadii Wariye ee habeen hore lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdiweli Tooxow oo ka mida Wariye-yaasha ka hawlgala magaaladaasi ayaa xalay laga sii daayay Saldhigga Booliska ee Dhuusamareeb, ka dib 24 saac oo ay ku xirnaayeen.

Amarka lagu xiray Wariye-yaasha oo ka soo baxay Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa ka dambeeyay, markii lagu eedeeyay faafinta warar been abuura iyo buunbuuninta xiisadda beelaha.

Dadaalo badan ka dib ayaa waxaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Wariye-yaashaasi, inkastoo sii deyntooda lagu xiray shuruudda ah in aanay baahin karin wararka liddiga ku ah Maamulka Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada Wariye laga dalbaday inaanay wax macluumaad ahi oo ku aadan sii deyntooda la wadaagi karin Warbaahinta.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta Galmudug ayaa Khamiistii xabsiga ugu tagay Wariye-yaasha, iyagoona ugu hanjabay in loo musaafurin doono Magaalada Muqdisho, laguna maxkamadeyn doono.

Odayaasha Dhaqanka ayaa juhdi ku bixiyay inaanan Wariye-yaashaasi loo musaafurin Caasimadda Muqdisho, dibna uu maamulku ugu ogolaado inay ka sii shaqeeyaan Dhuusamareeb, isla-markaana aanay baahin doonin wax kastoo liddi ku ah Madaxtooyada Galmudug, taasoo ah middii ay markii horeba Madaxtooyada dooneysay.

Tani waxay qayb ka tahay caburinta xoogga lihi ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan ku hayaan bahda Saxaafadda.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida wadamada ugu halista badan dunida ee Saxafi uu ka hawlgalo, iyadoona loogu gaysto cago-jugleen, xarig, jirdil iyo weliba dil.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip