Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

0
Friday January 22, 2021 - 22:09:31 in Wararka by
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta booqday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Safaaradda kula kulmay Safiirka Turkiga ee Somaliya, Amb. Mehmet Yilmaz, kaasoo ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageerada miisaaniyadeed ee Turkigu ku caawiyo qaranka.

"Farxad ayay ii ahayd inaan la kulmo Danjire Mehmet Yilmaz. Waxaan ka wadahadalnay dib-u-habaynta dhaqaalaha, doorashooyinka iyo taageerada miisaaniyadda. Turkiga waa saaxiib muhiim ah oo taageera horumarka qarankeena.” Ayuu yiri Wasiir Beyle oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Amb. Yilmaz ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dalka iyo weliba sida uu Turkigu u taageersan yahay dib-u-habaynta dhaqaalaha Somaliya.

"Waxaan ka wadahadalnay iskaashiga u dhexeeya dalalkeena, waxaanan muujinay sida aan u taageersanahay dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Soomaali leedahay, iyadoo uu Dowladda Federaalka ka caawiyo dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo arrimo kaloo muhiima.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip