Guddoomiyihii Hodan oo maanta la aasay

0
Friday January 22, 2021 - 20:53:34 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Hodan oo maanta la aasay

    Waxaa maanta oo Jamce ah la aasay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaganuun oo habeen ka hor la dilay. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta oo Jamce ah la aasay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaganuun oo habeen ka hor la dilay. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Mas'uuliyiin ka tirsan heer Federaal iyo Gobolka ayaa ka qeyb galay aaska. Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha xarunta degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.

Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Marxuum Cabdixakiim Dhagajuun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii firdowso ka waraabiyo.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo hadal ka jeediyay aaska ayaa sheegay in dadkii ku lug lahaa dilka Cabdixakiin Dhagajuun la qabtay, marka laga reebo hal qof oo sida uu sheegay lagu raadjoogo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip