Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir ka yeeshay arrimaha doorashooyinka.

0
Friday January 22, 2021 - 20:50:10 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir ka yeeshay arrimaha doorashooyinka.

    Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koofur galbeed, Galmudug, Puntland, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa shir dhinaca taleefanka kaga wadahadlay ismari waaga ka taagan doroashooyinka iyo sidii xal looga gaari karo. Shirka oo saacado badan u socday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koofur galbeed, Galmudug, Puntland, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa shir dhinaca taleefanka kaga wadahadlay ismari waaga ka taagan doroashooyinka iyo sidii xal looga gaari karo. Shirka oo saacado badan u socday madaxda dowlad goboleedyada ayaa waxay kaga shireen sidii la isku soo dhowaan lahaa, caqabadaha ka taagan doorashada loo xallin lahaa. Shirkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii Wakiilada Beesha Caalamka si kala gaar ah shalay iyo maanta shirar dhanka Online ee Zoomka ay la yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada kaasoo looga hadlayay is mari waaga ka taagan doorashooyinka iyo sida xal looga gaari karo. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii shir la isugu imaan lahaa, si loo xaliyo is mari waaga taagan, waxaana muuqata in dowladda Federaalka ay wajaheyso culeys uga imaanaya Beesha Caalamka oo ay u dambeysay baaqii Safiirka UK u qaabilsan UN-ka oo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda u sheegtay in waqtiga gabagabo yahay in la bilaabo doorashada, waxaana ay ugu baaqday in dowladda Federaalka ay raadiso dowlad Goboleedyada lana gaaro doorasho wadar ogol ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip