Nigeria: 13 jirkii diinta wax ka sheegay oo racfaan lagu sii daayay

0
Friday January 22, 2021 - 20:44:56 in Wararka by
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nigeria: 13 jirkii diinta wax ka sheegay oo racfaan lagu sii daayay

    Wiil 13 jir ah oo 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay sanadkii hore sababo la xiriira inuu diinta wax ka sheegay ayaa haatan ka bixi kara xabsiga. Waxaa bishii August xukun ku ridday maxkamad Islaami ah sababo la xiriira inuu wax ka sheegay Ilaahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil 13 jir ah oo 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay sanadkii hore sababo la xiriira inuu diinta wax ka sheegay ayaa haatan ka bixi kara xabsiga. Waxaa bishii August xukun ku ridday maxkamad Islaami ah sababo la xiriira inuu wax ka sheegay Ilaahay, xilli ay dood ku dhex mareysay saaxiibkiis waqooyiga gobolka Kano. Balse maxkamadda racfaanka ayaa shalay laashay xukunka, iyadoo sheegtay in wiilku uu weli carruur yahay. Xukunkii sanadkii hore ee ay maxkamadda shareecada ridday ayaa sababay cambaareyn caalami ah. Hay'adda arrimaha carruurta ee Qaramada Midoobay, Unicef, ayaa sheegtay in xukunkaasi uu meel uga dhacayo xuquuqda carruurta iyo caddaaladda carruurta ee ay Nigeria iyo gobolka Kano u hoggaansameen. Maamulka Kano ayaa u muuqda inuusan ku faraxsaneyn xukunka la laalay. Xeer ilaliyaha Guud ee gobolka Musa Lawan ayaa BBC-da u sheegay inay tixgelin doonaan inay racfaan ka qaataan xukunka. Kano waxay ka mid tahay 12 gobol oo Nigeria ku yaalla kuwaas oo ku dhaqma hannaanka Shareecada. Inta badan Muslimiinta dalkaas waxay ku nool yihiin waqooyiga Nigeria, keliya Muslimiinta ayaana lagu xukumaa maxkamadaha shareecada. Maxkamadda racfaanka ayaa amartay in dib loo furo kiiska fannaan ay maxkamadda shareecada ku xukuntay dil, sababo la xiriira inuu aflagaaddeeyay Nabi Muxammad NNKH. Xeer ilaaliyaha Guud ee Kano ayaa soo dhoweeyay xukunka isagoo ku tilmaamay "guul u soo hoyatay dadka Kano". Sida laga soo xigtay qareenka wakiilka ka ah labadooda, "noloshooda marnaba ma noqon doonto sideedii hore". Kola Alapinni ayaa sheegay in wiilka yar uusan ku badbaadeynin Kano, halka fannaanka Yahaya Sharif-Aminu, oo 22 jir ah, loo badinayo inuu xabsiga ku sii jiro ilaa mar kale laga qaadayo dacwaddiisa. Dibadbaxayaasha Kano ayaa sanadkii hore digada ka dhigay guriga Mr Sharif-Aminu, iyagoo qoyskiisana ku qasbay inay qaxaan, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip