Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyey deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe

0
Friday January 22, 2021 - 20:43:27 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyey deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku baxeen tuulooyin ku yaala baadiyaha degmada Raaga-ceelle oo laga soo sheegay dhaq-dhaqaaq ay wadaan dagaalameyaasha Al-sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku baxeen tuulooyin ku yaala baadiyaha degmada Raaga-ceelle oo laga soo sheegay dhaq-dhaqaaq ay wadaan dagaalameyaasha Al-shabaab. Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan dagaalamayaashii Al-shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku tagay tuulooyinkaas waxaana hada dagan xaalada degmada Raaga-celle. Guddoomiyaha degmada Raaga-ceelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo Al-shabaab amnigana wanaagsanyahay. Dhinaca kale, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa wali ku sugan tuulooyin ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Jowhar ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay ku suganyihiin tuulooyinka kala ah Warciise, Doondheere iyo Shamiindo. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka HirShabeelle, waxaana muuqato in kooxda Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ay ka wado deegaano ka tirsan Gobolkaas.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip