UNHCR oo sheegtay inay Soomaaliya marti galisay qaxooti badan sanadki 2020

0
Friday January 22, 2021 - 20:40:29 in Wararka by
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNHCR oo sheegtay inay Soomaaliya marti galisay qaxooti badan sanadki 2020

    Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii lasoo dhaafay martigaliyay Qaxootiga faraha badan. War kasoo baxay hay'adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii lasoo dhaafay martigaliyay Qaxootiga faraha badan. War kasoo baxay hay'adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dalalka ay ka yimaadeen ka jireen dhibaatooyin dhanka Amniga. In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah ayaa sanadkii 2020 soomaaliya nabad galyo u raadsaday sida ay sheegtay heyada UNHCR . Dadkaas waxay badankood ka yimaadeen wadamada Ethiopia, Syria Iyo Yemen sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday hey'adaan. Gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay ay dib ugu laabteen dalka Soomaaliya in ku dhow boqol kun oo qaxooti ah kuwaasi oo hore ugaga cararay dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip