Maxaa ka dhexeeya Calanka Soomaalida iyo kan Mareeykanka?.

0
Thursday January 21, 2021 - 21:15:45 in Wararka by
  • Visits: 2775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka dhexeeya Calanka Soomaalida iyo kan Mareeykanka?.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maalin dhaweeyd ayaa qof ka mid ah saaxibadeeyda FB oo aan u maleeynayo in magaciisu ahaa Abdi kani uu ii soo qoray hadalkan.((( Aad iyo Aad Prof Yahya Amir lkn waxaan igu maqaala ah in ay jirto Calankeena Calan U Ek oo Laga isticmaalo Gobolo Mareekan kamid ah. Malaga yaaaba in uu yahay Calankaas keeni u ek ))).

 
Jawaab:
 
     Waxaad i weeydiisay, waxaan u qaatay, ma qayba mareeykanka ah ayaa laga isticmaali jiray calankeena mid u eg? .
 
Jawaabtu waa Haa.!!. ogow u eg macnaheedu ma ahan in midkoodna uu yahay Copy laga sameeyay midka kale, ama wax xiriir ah ay ka dhexeeyaan labada Calan. Fiiri qaybta sare ee calanka mareeykanka ee maanta waxa uu ka kooban yahay Calama yar yar oo la isku geeyay oo u eg keena.
 
                 Gobalada Mareeykanka qaar ayaa sameeystay Calan aad ugu eg kan somalida , Calan Bluug ah oo xiddig cad oo shan geesood leh dhaxda ku leh, buluuga oo marna khafiif ah sida keena oo kale marna ka duwan.
 
              Gobaladan ayaa si ay uga xuroobaan gumeeysigii kala xakumayaya Gobaladda mareeykanka oo aan markaa mideeysneeyn ,sida Gumeeysta yaashii: Spain, UK, iyo Farance waxa ay sameeystay Calan ay ku dagaalamaan, qaar ayaa u sameeystay in ay diidaan ku biiridda midawgii mareeykanka oo doonayay in ay iskood u noqdaan qaran jira.
 
                Sawirka 3aad jamhuuriyada koofurta Florida& 4 asaga oo ka dhax muuqda midawgii mareeykanka markii qolaba calankeeda wadatay.
 
Waxa laga yaabaa in qolo aan Somali iyo mareeykan midna aheeyn iyana ay soo martay waqti uu Calan u ahaa mid keena u eg. Si kastaba …. Aduunka laba dhacdo oo aan xiriir ka dhaxeeyn waa dhici karaan isku mar ama laba waqti oo kala fog. Markaa wax xiriir ah kama dhaxeeyaan labadan Calan,keenu siddii uu ku yimid hore ayaan ugu soo qoray FB. Ha u maleeyn in isku ekaasho laba Calan ay wax soo kordhinee, ALLAAH waa na siiyay,                     DIIN, DAL, DAD iyo DOWLADNIMO-Allaah waxaan ka baryeeynaa Iimaan, towfiiq iyo in aan ku midoowno sidii Alla Jecelyahay.
 
FG:wax waa iga khaldami karaan, waxna waa hilmaami karaa ee wixii intaa ka badan weeydii khubarada taariikhda.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip