SAWIRO: SOMA oo tababar ku so Gabagabeysay Jowhar iyo Maamulka Gobolka oo ka qeyb galay

0
Thursday January 21, 2021 - 20:46:42 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: SOMA oo tababar ku so Gabagabeysay Jowhar iyo Maamulka Gobolka oo ka qeyb galay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

             Maanta waxaa inoo soo idlaaday tababarka mudada afarta maalin magaalada Jowahr, uga socday 20-ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala deegaanada Hirshabelle,

           Tababarka oo ay soo qabab qaabisay dalada warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, oo taageero ka helayo IMS iyo FOJO, ayaa ku saabsanaa tabinta doorashooyinka iyo bedqabka wariyaha.

              Gabagabada tababarka waxaa nagala soo qeyb galay gudoomiyaha gobalka shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan gudoomiyaha degmada Jowhar, iyo wasiiru-dowlaha wasaarada warfaafinta Hir-shabelle

            Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhaxe ibraahin Cali nuur ayaa u mahad celiyay Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA sida ay ugu faa ideysay 20 suxufi

              Gudoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaran ayaa u rajeeyay suxufiyiintii ka faaideystay tababarka afarta maalin uga socday Jowhar,Makaraan ayaa si weyn ugu mahadcelliyay Hayadaha IMS Iyo FOJO oo tababarkan ka taageerayay.

            Wasiir dowlaha Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Axmed Kolonbo oo ka hadlay munaasabada ayaa Dalada SOMA ku tilmaayay mid wax weyn ka qabatay dhinaca tababara wariyayaasha Ka howlgalo Hir shabelle.

             Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe Axmed Meyre Makaraan ayaa dhinaciida so dhawaeyay Tababarka loo qabtay Suxufiyiinta Gobolka Sh/dhaxe waxana uu amaan iyo bogaadi u jeediyay SOMA iyo Hayadaha ka taageeray in Tababar noocaan ah loo qabto wariyayaasha ka howlgalo deegaanda Hir-shabelle

             Saxafiyiinta tababarka ka qeyb galay ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ku saabsan daruustii ay barteen afarta maalin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip