Musharrax Si Kulul Uga Hadlay Dilkii Loo Gaystay Guddoomiyuhii Degmada Hodan

0
Thursday January 21, 2021 - 18:36:39 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Si Kulul Uga Hadlay Dilkii Loo Gaystay Guddoomiyuhii Degmada Hodan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dil xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

            Md.Cabdiraxmaan Cabdi shakuur oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in loo baahan yahay baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyo dilka Marxuumka, oo ay dileen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

               "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo asxaabta Allaha u naxariistee guddoomiye C/xakiin Dhegajuun oo ay xalay dileen ciidanka dawladda. C/xakiin wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee aan bartay xilli uu la shaqaynayey Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka. Wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo miisaaman, hami iyo yididiilo badan leh” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaaa ugu baaqay madaxda dawladda in ay cadaaladda la horkeeno kuwii dilkiisa gaystay.

                Horay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa waxa uu faray dhamaan Hey’addaha Amaanka ee Gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi si loo helo cadaalad, la iskulana xisaabtamo Mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip