Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada

0
Thursday January 21, 2021 - 20:01:59 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowlada Ingiriiska ayaa ugu baaqday dowlada Federalka Soomaaliya inay heshiis is afgarad la gaarto dowlad goboledyada dalka.

       Safiirka UK ee Qaramada Midoobay Barbara Woodward oo kula kulantay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq Abubakar ayaa kala hadashay in loo baahan yahay xilligan in heshiis afgarad oo degdeg ah laga gaaro doorashada dalka.

            "Waqtiga wuu sii yaraanayaa,waxaan ugu baaqnay dowlada federalka inay heshiis afgarad la gaarto Maamul Goboleedyada dalka.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Barbara Woodward.

            Dowlada Federalka ayaa cadaadis xoog leh kala kulmaysa beesha caalamka sidii heshiis degdeg ah looga gaari lahaa muranka ka taagan qabashada doorashada.

         Sidoo kale beesha caalamka ayaa cadaadis saareysa madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyadoo shalay iyo maantaba kulan xagga muqaalka ah ay la yeesheen wakiilo ka socda beesha caalamka madaxda maamuladaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip