Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane, Cusmaan Abuukar Dubbe oo uu wehliyay Agaasimaha Wakaaladda Wararka SONNA Cali C/qaadir Cali ayaa maanta kulan la yeeshey danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya mudane, Xasan Bin Xamza.
Mudane Dubbe ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Qatar is garabtaagga Soomaaliya gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya,wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaadday dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo meel wanaagsan maraya, halkaasi oo dhawaan uu kormeer ku tagay wasiir Dubbe.
Safiirka Qatar ee Soomaaliya mudane Xasan Bin Xamsa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin markasta xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada Dowladood,wuxuuna soo dhaweeyay qorshaha ku aaddan isku xirka iyo iskaashiga warbaahinta labada Dal,sida Wakaaladaha wararka Telefeshinnada iyo Idaacadha, wuxuuna ballan qaaday in taageero dhanka tababarada iyo qalabaynta ah ay u fidin doonaan warbaahinta.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa tayada warbaahinta,dhinacyada tababarrada shaqaalaha, dhismaha iyo qalabaynta,si adeegga bulshada loo hayo sare loogu qaado, si ay ula jaanqaaddo warbaahinta kale ee Caalamka.
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya
...