R/W ROOBLE oo shaaciyey in fal nasiib darro ah uu ku dhintay gudoomiyihii Hodan

0
Thursday January 21, 2021 - 11:47:34 in Wararka by
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/W ROOBLE oo shaaciyey in fal nasiib darro ah uu ku dhintay gudoomiyihii Hodan

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray dilkii xalay Muqdisho loogu geystay AUN guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu horreyn tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyaha uu ku dhintay fal uu nasiib darro ku tilmaamay.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

 

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Rooble ayaa faray laamaha amniga inay baaris dhab ah ku sameeyaan dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan.

"Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah,” ayuu sii raaciyey.

AUN Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay saq-dhexe lagu toogtay agagaarka isgyska Howlwadaaga yaa shalay uun dib ugu soo laabtay dalka, isagoo ka yimid dalka Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday kadib dhaawac ka soo qaara qarax miino oo lala eegtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip