Taliye ka howlgalay Soomaaliya oo lagu dilay Uganda

0
Thursday January 21, 2021 - 11:49:40 in Wararka by
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ka howlgalay Soomaaliya oo lagu dilay Uganda

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sarkaalkaan oo lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Sare Noel Mwesigye ayaa ahaa taliyihii hore ee Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Uganda, waxaana todobaad kaan lagu dilay Aaga degmada Luweero gaar ahaan Xaafada Kikyusa, xilli uu kusii jeeday Hooygiisa.

Booliska iyo Millateriga Uganda ayaa waxaa ay sheegeen inay baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaas, isla markaana aysan ogeyn dadkii ka dambeeyay dilka sida ay sheegtay Afhayeenka Millateriga Flavia Byekwaso.



Wargeyska Daily Monitor oo soo xiganayay Saraakiil Ciidan ayaa daabacay in ka hor dilka Taliye Noel Mwesigye uu iska difaacay dableydii soo weerartay, isla markaana dhaawac culus oo kasoo gaaray Caloosha iyo luga uu ugu geeriyooday Isbitaalka Holy Cross Health ee degmada kikyusa, kadib markii ay dhaawaciisa qaadeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Taliye Noel Mwesigye ayaa in ka badan 20 Sano waxaa uu ilaaliye ka ahaa Dugsiga Tababarka Jinja Junior College oo lagu tababaro Ciidamada Kumaandooska Uganda, waxaana sanadkii 2014-kii loo soo diray Soomaaliya, isaga oo hoggaamiye ka noqday Ciidamada Midowga Afrika ee la dagaalamay Al-Shabaab, hayeeshee Soomaaliya dib looga saaray sanadkii 2015-kii markii weerar ka dhacay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 19 Askari oo u dhashay dalka Uganda.

Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa Gaashaanle Sare Sare Noel Mwesigye uu ahaa howlgal, balse ugu dambeyn Habeenkii Axadda ee todobaadkaan lagu dilay Gudaha dalkaasi Uganda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip