Taliyeyaal iyo Askar loo xiray dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii Hodan

0
Thursday January 21, 2021 - 11:32:18 in Wararka by
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyeyaal iyo Askar loo xiray dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii Hodan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Taliyeyaal Saldhig Boolis iyo askar ayaa loo xiray dhacdadii xalay lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin, kaddib markii gaari uu Guddoomiyaha saarnaa ay rasaas ku fureen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa agagaarka Jid Mareexaanka.

Dhacdadan ayaa aheyd mid lama filaan ah, kaddib markii gaariga uu la socday Guddoomiyaha oo Ilaalo la socdeen ay rasaas huwiyeen Ciidamada ku sugnaa barta Koontarool.

Taliyeyaasha Saldhiga Booliska Degmooyinka Howlwadaag iyo Waaberi ayaa falkan loo xiray, iyadoo uu socdo baaritaan.

Sidoo kale askartii ku sugneyd barta koontarool ayaa iyana la xiray.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo dhacdadan xalay saqdii dhexe ka dhacday degmada Howlwadaag ee lagu khaarijiyay Guddoomiyihii degmada Hodan.

Allaha u naxariistee Guddoomiye C/xakiin Dhegajuun ayaa shalay ka soo laabtay safar caafimaad uu ku tagay dalka Turkiga, kaddib markii uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay bishii November ee sanadkii hore.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip