Sawirradii ugu cajiibsanaa caleema saarka Biden

0
Thursday January 21, 2021 - 09:28:48 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirradii ugu cajiibsanaa caleema saarka Biden

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Joe Biden ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka - waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka mid ah sawirradii laga soo qaaday maalintii caleema saarka.

President Biden sits at his desk in the Oval Office

XIGASHADA SAWIRKA,JIM WATSON / AFP

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Biden oo dhex fadhiya Xafiiska Oval ee Aqalka Cad kahor inta uusan saxiixin 15 amar sare ah oo lagu xoojinayo sida ay dowladdu wax uga qabaneyso coronavirus

President Biden speaks to dozens of people in a video conference

XIGASHADA SAWIRKA,JIM WATSON / AFP    Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Biden iyo dadkii loo soo magacaabay maamulkiisa

President Joe Biden waves to supporters

XIGASHADA SAWIRKA,TOM BRENNER / REUTERS   Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Joe Biden oo gacan haatinaya taageerayaashiisa kahor inta isaga iyo Marwada Koowaad Jill Biden aysan gelin Aqalka Cad

Vice President Kamala Harris waves ashe walks with Second Gentleman Doug Emhoff

XIGASHADA SAWIRKA,SHAWN THEW / EPA   Qoraalka sawirka,

Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo Mudanaha Labaad Doug Emhoff oo iyagoo qoyskooda la socda lugeynaya Waddada Pennsylvania ee hormarta Aqalka Cad

Joe Biden is sworn in as the 46th US President

XIGASHADA SAWIRKA,PATRICK SEMANSKY / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Goor hore Arbacadii, Joe Biden ayaa waxaa madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka u dhaariyay xaakimka sare ee Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka John Roberts, iyadoo xaaskiisa Jill ay garab joogto

Kamala Harris is sworn in as Vice President

XIGASHADA SAWIRKA,ALEX WONG/GETTY IMAGES    Qoraalka sawirka,

Kamala Harris waxaa loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyadoo seygeeda Doug Emhoff uu garab taagnaa

President Biden places his hand on a large Bible

XIGASHADA SAWIRKA,KEVIN LAMARQUE / REUTERS      Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Biden oo ku dhaaranaya kitaabka Bible-ka oo ay qoyskiisu heysteen tan iyo sanadkii 1893

President Biden gives his inaugural speech

XIGASHADA SAWIRKA,ROB CARR / GETTY IMAGES     Qoraalka sawirka,

Kaddib markii la dhaariyay, Madaxweyne Biden ayaa jeediyay hudbaddiisa, isagoo yiri: "Waxaan mar kale barannay in dimuqraaddiyaddu ay qaali tahay. Dimuqraaddiyaddu waa mid nugul xilligaanna, saaxiibbadeydow, dimuqraaddiyadda ayaa awood yeelatay." Intii uu khudbada jeedinayay, Biden ayaa daqiiqado aamusnaan ah amray si loogu duceeyo dadkii u dhintay xanuunka safmarka ah ee Covid-19

President Biden signs documents with Vice President Kamala Harris by his side

XIGASHADA SAWIRKA,JIM LO SCALZO / GETTY IMAGES     Qoraalka sawirka,

Gudaha Capitol, Madaxweyne Biden ayaa saxiixay magacaabidda golihiisa wasiirrada

President Joe Biden and Vice President Kamala Harris lay a large wreath together

XIGASHADA SAWIRKA,CHIP SOMODEVILLA / GETTY IMAGES      Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris oo ka qeyb galaya xaflad baroor diiq ah oo lagu qabtay Qabuuraha Arlington

President Joe Biden and First Lady Dr Jill Biden walk up to the White House

XIGASHADA SAWIRKA,CHIP SOMODEVILLA / GETTY IMAGES      Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Joe Biden iyo Marwada Koowaad Dr Jill Biden oo iyagoo gacmaha is heysta sii galaya Aqalka Cad

President Joe Biden and First Lady Dr Jill Biden embrace outside the White House

XIGASHADA SAWIRKA,JIM WATSON / GETTY IMAGES      Qoraalka sawirka,

Lammaanaha oo ku faraxsan Aqalka Cad, oo noqon doona gurigooda afarta sano ee soo socota

Amanda Gorman reads her poem at President Biden's inauguration

XIGASHADA SAWIRKA,PATRICK SEMANSKY / EPA     Qoraalka sawirka,

Qoraa Amanda Gorman oo caleema saarka ka jeedineysa gabaygeeda Buurta aan ka Boodno

Lady Gaga sings with Joe Biden standing behind her

XIGASHADA SAWIRKA,ALEX WONG / GETTY IMAGES     Qoraalka sawirka,

Lady Gaga oo ku heeseysa heesta astaanta qaranka ee Mareykanka

Jennifer Lopez gestures to Kamala Harris

XIGASHADA SAWIRKA,SAUL LOEB / EPA      Qoraalka sawirka,

Fannaanadda Jennifer Lopez, oo waqti la qaadaneysa Kamala Harris. Lopez ayaa ku heestay Dhulkan waa Dhulkaaga Ameerikana way Qurux badan tahay

President Donald Trump and First Lady Melania Trump wave from Air Force One

XIGASHADA SAWIRKA,ALEX EDELMAN / GETTY IMAGES      Qoraalka sawirka,

Iyadoo Joe Biden uu isku diyaarinayay dhaarinta, madaxweynaha xilka ka sii degayay Donald Trump iyo marwada koowaad Melania Trump ayaa gaaray garoonka Palm Beach International Airport ee Florida, iyagoo ku sii jeeda hoygooda Mar-a-Lago

President-elect Joe Biden stands alongside Jill Biden

XIGASHADA SAWIRKA,WIN MCNAMEE / GETTY IMAGES     Qoraalka sawirka,

Biden iyo xaaskiisa oo sawir laga qaaday markii ay yimaadeen caleema saarka

Vice President-elect Kamala Harris waves to the crowd

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS     Qoraalka sawirka,

Kamala Harris iyo seygeeda Doug Emhoff oo u gacan haatinaya taageerayaasha xilli ay yimaadeen xafladda caleema saarka. Harris waxay xirneyd dhar kalarka purple-ka ah, oo gudaha Mareykanka looga yaqaanno inuu yahay astaan muujineysa waddaniyad

Former President Barack Obama and former first lady Michelle Obama arrive at the inauguration whilst wearing masks

XIGASHADA SAWIRKA,ALEX WONG/GETTY IMAGES      Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore Barack Obama marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ka mid ahaa martidii caleema saarka

Bill Clinton and Hillary Clinton walk down steps together to find their seat

XIGASHADA SAWIRKA,ROB CARR / GETTY IMAGES      Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore Bill Clinton ayaa sidoo kale la yimid xogahayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton

Former President George W. Bush and former First Lady Laura Bush are shown their seats

XIGASHADA SAWIRKA,KENT NISHIMURA / GETTY IMAGES     Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore George W. Bush iyo marwadii koowaad ee hore Laura Bush oo la tusinayo kursigii ay fadhiisan lahaayeen

President-elect Joe Biden and his wife Jill Biden attend a church service

XIGASHADA SAWIRKA,TOM BRENNER / REUTERS      Qoraalka sawirka,

Goor sii horreysay shalay, Joe Biden oo ku sugan kaniisad ku taalla Washington DC

Donald Trump and first lady Melania Trump depart the White House to board Marine One

XIGASHADA SAWIRKA,LEAH MILLS / REUTERS      Qoraalka sawirka,

Donald iyo Melania Trump oo ka baxay Aqalka Cad, siina raacaya diyaarad u gaar ah. Kama aysan qeyb gelin caleema saarka Biden

Joe Biden and Kamala Harris, with their spouses

XIGASHADA SAWIRKA,MIKE SEGAR / REUTERS      Qoraalka sawirka,

Joe Biden iyo Kamala Harris, iyo lammaaneyaashooda, oo ku sugan National Mall, oo caadi ahaan ay taageerayaal badan joogi jireen, haddii uusan jiri lahayn xanuunkan safmarka ah

US National Guardsmen stand on a closed street outside the Capitol Building

XIGASHADA SAWIRKA,YEGOR ALEYEV / TASS / GETTY IMAGES     Qoraalka sawirka,

Ammaanka Washington oo aad loo sugay iyadoo 25,000 oo ciidan la geeyay kaddib weerarkii ay dadka ku dhinteen ee dhismaha Capitol

A general view of the National Mall on the eve of the inauguration

XIGASHADA SAWIRKA,NATIONAL PARK SERVICE/REUTERS     Qoraalka sawirka,

Mid ka mid ah dabaal degyadii caleema saarka, National Mall oo ku yaalla Washington waxaa lagu dahaaray calamo, taas oo wakiil looga noqonayo dadkii aan awoodin inay ka soo qeyb galaan xafladda sababo la xiriira xayiraadda Covid

1px transparent line

Dhammaan xuquuqda sawirrada way dhowran yihiin

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip