Maamulka Somaliland oo xayiraadii ka qaadday Universal tv

0
Sunday January 10, 2021 - 21:36:14 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Somaliland oo xayiraadii ka qaadday Universal tv

    Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland. Qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somalil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland. Qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in wasaaradda iyo telefishinku kala saxiixdeen heshiis cusub oo ilaalinaya dastuurka iyo xeerarka u degsan xuska maalmaha qaran. Bishii june dhamaadkeedkii sanadkii hore 2020, ayaa universal tv lagu soo rogay xayiraadda maanta laga qaaday kaddib markii TV-gu diiday baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June. Somaliland ayaa Universaltv ku eedeeyay in ay xurmeyn waayeen maalinta ay xornimada qaateen gobolladii Waqooyi ee haatan ah Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip