COVID-19 oo Ku sii Laba Lixaadsanaya Itoobiya

0
Saturday January 09, 2021 - 20:52:28 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    COVID-19 oo Ku sii Laba Lixaadsanaya Itoobiya

    Wasaaradda caafimaadka Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in maalintii Jimcaha oo qudha ay diiwaangelisay 345 kiis oo cusub oo xanuunka COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in tiradaas ay diiwaangelisay muudo ku siman 24 saacadood taas oo wadarta guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda caafimaadka Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in maalintii Jimcaha oo qudha ay diiwaangelisay 345 kiis oo cusub oo xanuunka COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in tiradaas ay diiwaangelisay muudo ku siman 24 saacadood taas oo wadarta guud ee dadka qaba xanuunka ee dalkaas ka dhigaysa 127,572 oo qof. Tirada dadka Xanuunka Korona ugu Geeriyooday ayaa iyana tiradooda lagu sheegay 1,974 qof. Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayay ku noolyihiin dadka lagu qiyaaso 114 milyan oo qof sidoo kale Itoobiya ayaa lkaga diiwaangeliyay tirada ugu badan ee kiisaska xanuunka Covi19 ee gobolka Bariga Afrika. Dhanka kale Eretrea oo la deris ah dalka Itoobiya ayaa Jimcihii iyana diiwaan gelisay 111 kiis cusub oo xanuunka Koofid ah sida ay ku warrantay wasaardda caafimaadka ee dalkaas taas oo wadarta guud ee bukaannada qaba xanuunka Korona ee dalkaas ka dhigeysa 1, 516 qof halka 803 kalena ay ka soo kabteen xanuunka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip