Qaraar xilka looga qaadayo Trump oo la faafiyay

0
Saturday January 09, 2021 - 20:51:37 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraar xilka looga qaadayo Trump oo la faafiyay

    Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa faafiyey qaraar qabyo qoraal cusub oo xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne Trump. Xisbiga ayaa ku eedeyneya madaxweynaha xilka ka degaya danbiyo waaweyn iyo dambiyo fudud, oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa faafiyey qaraar qabyo qoraal cusub oo xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne Trump. Xisbiga ayaa ku eedeyneya madaxweynaha xilka ka degaya danbiyo waaweyn iyo dambiyo fudud, oo ay kujirto kicinta kacdoon shacab. Afhayeenka aqalka congress-ka Nancy Pelosi ayaa sheegtay iney sii wadi doonto ololaha xil ka xayubinta Trump haddii uu madaxwyenaha si dhakhsiyaha isku casili waayo. Trump ayaa lagu wadaa inuu xafiiska ka tago laba iyo toban maalmood guduhood. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha ka hor xilligii loo asteeyay ay sii kala qeybineyso dalka. Mid ka mid ah xubnaha sare ee golaha wasiirrada Mareykanka ee u dhowaa madaxweynaha ayaa ku biirtay liiska dadkii dhowaan is casilay, sababo la xiriira khudbaddii uu madaxweynuhu u jeediyay dibadbaxayaasha kahor intaysan weerar ku qaadin kongareeska. Xoghayaha waxbarashada, Betsy DeVos ayaa sheegtay in laga habboonaa wixii dhacay Arbacadii. Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa canbaareeyay qalalaasihii ka dhacay magaalada Washington kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay weerar ku qaadeen xarunta Capitol ee fariisinka u ah dowladda Mareykanka. Rabshadaha ayaa kallifay in la hakiyo kulan uu golaha wakiillada ka lahaa ansixinta guushii Joe Biden.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip