Midowga Musharixiinta oo kasoo horjeestay Go'aankii Xukuumadda ee doorashooyinka

0
Saturday January 09, 2021 - 20:50:49 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharixiinta oo kasoo horjeestay Go'aankii Xukuumadda ee doorashooyinka

    Midowga Musharrixiinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeestay tallaabooyinka ku saabsanaa doorashada oo ay maanta ku dhawaaqday Xukuumadda Wasaare Rooble Rooble raaceen Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed. Af

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Musharrixiinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeestay tallaabooyinka ku saabsanaa doorashada oo ay maanta ku dhawaaqday Xukuumadda Wasaare Rooble Rooble raaceen Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed. Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Ridwaan Xirsi oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen dalka Mahdi Guuleed iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay isu soo dhawaansho ku gaareen shirkii Heritage balse maanta ay DFS iyo maamullada taabacsan ku dhawaaqeen wax aan okay ogayn oo khilaaf abuuri kara. Ridwaan wuxuu beeniyey in madaxweyne Qoor Qoor uu jawaab ku soo celiyey madaxda mucaardkaa iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, walow Madaxweynaha Galmudug kaliya in uu jawaab ka waayay uu sheegay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Ugu dambeyn waxaa uu xusay in shirweyne ay isugu iman doonaan madaxdoodu si Soomaaliya uga dhacdo doorasho in kastoo uusan shaacin nooca ay noqoneyso doorashadaas. Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Midowga Musharixiinta ayaa Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda in Midowga Musharixiinta ay si cad iga hadli doonaan mowqifkooda go'aankii Maanta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip