DRC: Askar lala Xiriirinayay Dilka Madaxweyne Hore oo Xabsiga Laga sii Daayay

0
Saturday January 09, 2021 - 20:50:03 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DRC: Askar lala Xiriirinayay Dilka Madaxweyne Hore oo Xabsiga Laga sii Daayay

    Dowladda Dimoqraadiga Kongo ayaa xabsiga ka sii deysay 23 askari oo loo heystay in ay ku lug lahaayeen dilka madaxweynihii hore ee dalkaas Laurent Kabila. Askartan ayaa tuhumada dilkaas awgiis xabsiga ku jirtay ku dhawaad labaatan sano. Askarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Dimoqraadiga Kongo ayaa xabsiga ka sii deysay 23 askari oo loo heystay in ay ku lug lahaayeen dilka madaxweynihii hore ee dalkaas Laurent Kabila. Askartan ayaa tuhumada dilkaas awgiis xabsiga ku jirtay ku dhawaad labaatan sano. Askarta ayaa xabsiga laga sii daayay kaddib markii la shaaciyay cafis ka soo baxay xafiiska madaxweynaha haatan haya talada dalkaas ee Félix Tshisekedi. Laurent Kabila oo ahaa madaxweynihii dalka Koongo ayaa sanaddii 2001-dii geeriyooday kaddib markii uu toogtay mid ka mid ahaa ilaaladiisii gaarka ahayd. Dilka madaxweynaha kaddib maxkamadda ciidamada milatariga ayaa xabsiga u taxaabtay tobaneeyo ka mid ah askarta. Qaar kamid ah kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay tallaabada ay maxkamaddu ku xirxirtay askartaas iyada oo 11 kamid ah askartii loo xiray tuhumadaas ay geeriyoodeen muddadii ay ku jireen xabsiga. Dadweynaha dalka Koongada Dimoqraadiga qaarkood ayaa rumaysan in xadhigga askartaasi ahaa mid raad gadasho ah oo lagu marin habaabinayay ra'yul caamka dadweynaha. Dadka qaarkii ayaa aaminsan in amarka dilka madaxweynaha ay ku lug lahaayeen awoodo dibadda ah maadaama uu ku soo beegmay xilli uu jiray muran Koongo kala dhexeeyay qaar ka mid ah dalalka la deriska ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip