Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo diyaarado ku geysay Beledweyne

0
Saturday January 09, 2021 - 20:46:58 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo diyaarado ku geysay Beledweyne

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay saddex diyaaradood oo sida Ciidamo farabadan ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne. Diyaaradaha oo si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay saddex diyaaradood oo sida Ciidamo farabadan ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne. Diyaaradaha oo sida Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa laga qaaday Magaalada Muqdisho, iyada oo garoonka diyaaradaha Beledweyne ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Hadal-heyn badan ayay dhalisay Ciidamada ay Maanta dowladda Soomaaliya diyaaradaha ku geysay Magaalada Beledweyne, iyada oo laamaha amniga dowladda Soomaaliya & kuwa Hir-Shabeelle aysan faah faahin sababta ka dambeeysa. Duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaad uu hoggaaminayo Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda qaabkii loo dhisay Maamulka cusub ee Hir-shabeelle, iyaga oo dhowr jeer diiday in Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen in uu ka dego Magaalada Beledweyne, isla markaana Beledweyne ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle. Sidoo kale Beledweyne ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay Beledweyne & Jowhar ay ka dhacayeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayay. Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay Ciidamo diyaarado ku geysay Magaaloyinka gobolka Gedo, iyaga oo la wareegay degmooyinka ay gacanta ku hayeen Ciidamada jubbaland, halka Magaalada dhuusamareeb Ciidamadii la geeyay ay meesha ka saareen Maamulkii Ahlusunna ee kasoo horjeeday qaabkii loo dhisay Maamulka gamudug. Lama ga tallaabada ay qaadi doonaan Ciidamada Haramcad oo ay Maanta dowladda Soomaliya ka dejisay Magaalada Beledweyne, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in maalmaha soo socda Ciidamo kale ay dowladda geyn doonto Magaalada Beledweyne.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip